Boqolaal dadweyne ayaa isugu soo baxay fagaaraha Daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho si ay umuujiyaan taageerada ay uhayaan madaxweynaha Cusub.
Maamulka gobolka banaadir ayaa soo qaban qaabiyey banaanbaxa oo shacabka Muqdisho ugu baaqay inay dhigaan dibadbax lagu taageerayo madaxwene Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kuu guuleestay Doorashada Madaxweynah ee lagu qabtay Muqdisho
Dadweyne kakala yimid degmooyinka gobolka banaadir ayaa ka qeybgalaya dibadbaxa kuwaasi oo hada ku sugan taalada daljirka daahsoon ee degmada Boondheere,waxaana ay wataan boorar ay ku xardhanyihiin Sawirka madaxweyne Farmaajo iyagoo ku dhawaaqayo erayo taageera ah oo ay ku muujinayan dareenkooda iyo sida ay ugu faraxsanyihiin in madaxweynaha loodoorto farmaajo.
Amaanka ayaa aad loo adkeeyey waxaana ku sugan nawaaxiga Daljirka ciidamada dowlada iyo ciiddamo booliis Amisom oo xaqiijinya aminiga iyadoo lagu wado saacadaha soo aadan inay goobtaasi tagaan madax katirsan Gobolka banaadir oo iyagu isugu yeeray banaanbaxaasi shacabka muqdisho.
Tan iyo arbacadii oo la doortay madaxwene Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Muqdisho waxaa kasocday dibadbaxyo taageera ah oo ay dhigayeen shacabka muqdisho oo ku faraxsanaa in madaxweyne loo doorto Farmaajo waxaana ay muujinayeen Dareenkaooda ku aadan doorashadaasi.