Garsoore ka hor yimid Fulinta Amarkii Donald Trump ee Xayiraadda Socdaaalka.

Garsoore Derrick Walson oo ka tirsan Gobalka Hawaay ayaa sheegay inuu si KMG ah u hakinayo Fulinta Amarka Socdaalka ee uu Madaxweynuhu kaga mamnuucay dadka ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan,. Yemen, Libya, Syria iyo Iran inay soo galaan Maraykanka.

Go’aanka Garsooraha Gobalka Hawaii waxa uu dhabar-jab bilow ah ku noqonaya Dib-u-eegistii Amarka Donald Trump ee uu ku cusbooneysdiiyey Amarkii uu horey u soo saaray bishii January 27-dii ee sannadkan oo ay bishii hore Maxkamadi ku gacan sayrtay.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa la filayaa inay Rafcaan ka qaataan Go’aanka Garsoorahaasi, oo ugu dambeyntii lagu kala bixi doono Maxkamadda Sare ee Maraykanka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media