Dowladda Malaysia oo Kaalmo Dhaqaale ugu deeqday dadka ku macluulsan Somalia.

Dowladda Malaysia ayaa sheegtay inay 100,000 oo Dollar u gudbisay Dowladda Federalka Somalia, si loogu adeegsado Hawlaha loogu gurmanayo dadka ay Abaaraha iyo Macluusha ku hayaan Somalia.

Wakiilo ka socday Golaha Islaamka Malaysia ayaa la shedegay inay Lacagtaasi ku wareejiyeen sii-hayaha Xilka Ra’isul-wasaare-xigeenka Xukuumadda Federalka, Maxamed Cumar Carte oo booqanaya dalkaasi.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in uu Ra’isul-wasaaraha Malaysia, Najiib Rasaaq bixiyey Kaalmadaasi oo muujinaysan taageeradda buuxda ee Dowladda Malaysia u hayso Taageeridda dadka Soomaaliyeed.

Md. Carte oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa uga mahad celiyey Dowladda Malaysia taageeradaasi, wuxuuna xusay in xaalladda Macluusha ee Somalia haatan tahay Muhiimadda Koowaad ee u baahan in wax laga qabto.

Munaasabadda Deeq-wareejintaasi waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Somalia u jooga Malaysia, bukar Abdi Osman iyo Madax ka tirsan Dowladda Malaysia iyo Mas’uuliyiin ka kala socday Hay’ado Samafal oo Islaami ah.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media