Faah-faahinno laga Helayo Dil ka dhacay Degmada Maxaas

Wararka ay aynu ka heleyno gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaan ku dhow degmada Maxaas ee gobolkaas ayaa ku waramaya in xalay halkaasi lagu Dilay laba ruux oo la sheegay inay ahaayeen Xoolo dhaqato ku sugnaa deegaanka Maqaasiya oo u dhow Maxaas.

Garuun iyo Cabdinaasir oo dhawaan tagay deegaankaas kana yimid gobolka Gal-gaduud gaar ahaan degmada Dhuusa-mareeb ayaa xalay lgu dilay Waqooyiga Maxaas gaar ahaa deegaanka Maqaasiya oo gaabgi ku haaya degmadaasi, waxaan la sheegay in kooxo hubeysan ay ka danbeyeen dilkaasi oo goobta ka baxsaday dilka kadib.

Goob-joogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in xalay uu dhacay dilkaasi, islamarakaana Salka uu ku hayo aanooyin Qabiil, mana jirto ilaa iyo hada cid ka hadashay dilkaasi loo geestay labadaasi Ruux oo la sheegay inay ahaayeen xooolo dhaqato ka yimid markii hore degmada Dhuusa-mareeb, Si ay u helaan nolol Dhaanta tii hore.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media