• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, June 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Garqaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxay oof-wareen iyo Sharaf-ka-dhac ku tahay Tubta Garsoorka Qaranka.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
February 9, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

 Bilowgii isbuucan, Guddoomiyaha Maxakmadda Sare, Avvocate Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf waxa uu si aan gambasho lahayn u xukun qaloociyey Dacwad uu Xoghayihii Guud ee hore ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NOSOJ), Cumar Faaruuq Cusmaan  ka soo gudbiyey Wasaaraddaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda, oo uu ku sheegay inay faragelin ku hayaan Suuxfiyiinta.

Ilko Xanaf dacwadda uma qaadin labada dhinac ee u dhexeysay, Wuxuuna markii dambe xukmiyey Dacwad aan meesha oolin oo uu ku soo nooleynayo Xil horey looga qaaday Xoghayihii hore ee  Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan.

Go’aanka uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ka soo saaray Dacwadaasi ayaa noqotay mid uu marin habaabiyey, isla markaana uu Xukunkiisa ku halbeegay go’aanka uu u arkay inuu Shaqsi ahaan ku caano-maali karo.

Xukunka uu Caydiid Ilka Xanaf ka soo saaray Dacwad-qaadista u dhexeysay Cumar Faaruuq Cusmaan iyo Wasaaraddaha  Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Federalka iyo Wasaaradda Shaqada ayaa waxa uu noqday Go’aan Rimay-gacmeed ah, taasi oo uu meel fagaare ah kaga sheegay Go’aanka Rabitaankiisa ee ahaa  inuu Cumar Faaruuq Cusmaan yahay Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Xukunkaasi waxa uu  ka hor imaanayo  Qoddobka 107-aad ee Dastuurka Qaranka, gaar ahaan Farqadiisa 2-aad iyo 3-aad.

Qoddobkaasi waxa uu tilmaamayaa in dhinacyadda is-dacweynayo si siman loo dhegeysto, lana siiyo Fursado ay ku qabsadaan Garyaqaano difaaca.

Ilka-xanaf, xitaa haddii uu doonayey inuu qaado Xukunka Hoggaanka NUSOJ, waxay ahayd inuu isugu yeero Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Pakistan iyo Xoghayihii hore ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cusmaan, kadibna uu dhinac kasta dhegeysto, ka hor inta uusan ku dhawaaqin Xukun Bud-la-duul oo aan loo maydaan dayin.

Balse, taasi ma dhicin, wuxuuna ku dhawaaqay Go’aan Hal dhinac ah, wuxuuna iskiisa u magacaabay inuu Cumar Faaruuq yahay Xoghayaha Guud ee NOSOJ, taasi oo ay ka wada hor yimaadeen dhamaan Suxufiyiinta iyo Qeybaha Warbaahinadda Madaxa Bannaan ee Somalia.

Sharci-yaqaanadda ayaa si kulul u naqdiyey Xukunka  Ilka Xanaf, kuna tilmaamay mid aan waafaqsanayn Qaabka Garsoorka Qaranka  iyo inuu Xukunkiisa yahay Xukun-xumo aan Garowshiyo Lahayn.

Halbeegga Dacwad-qaadista ayaa lagu qeexaa Xukun ay u siman yihiin Dhinacyadda is-dacweynayo, wuxuuna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku fashilmay inuu abaaro Nuxurka Dacwad-oogista labada dhinac ee ay dacwadda ka dhexeyso.

Waxa uu dacwadda ka dhigtay Qaabka uu isagu rabo, wuxuuna si il-duufsi leh u marin habaabiyey Dacwad-qadista.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu u muuqdaa Mas’uul xukunkiisa ay qeybaha Bulshadda si xooggan uga cawdaan, kuna tilmaamaan inuu yahay Mas’uul xukunkiisa ku taageera hadba meesha uu ka arko inuu ka helayo rabitaankiisa.

Waxaana jira Mas’uuliyiin qaabka dalaalka oo kale ula shaqeysta, kuwaasi oo  wada xiriiriya Ilka Xanaf iyo hadba Dacwoodaha kiiskiisa dufanaysan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Garqaadista Ilka Xanaf waxay muuqaal-xumo ka bixinaysa Garsoorka Qaranka, Xuquuqda Muwaadiniinta iyo Dhowrista Dastuurka Qaranka.

LA SOCO QEYBO KALE

©Radio Dalsan         

Previous Post

Ra’isul-wasaraha oo kulan la qaatay haween ka socday qeybaha bulshada Rayidka

Next Post

Somali Media fraternity Stage Country wide Protest Against Somali High Court Verdict

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

June 23, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”

June 23, 2025
Next Post

Somali Media fraternity Stage Country wide Protest Against Somali High Court Verdict

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabad si rasmi ah loogu daahfurayay Qorshaha Hiigsiga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka...

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayay...

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

In a landmark move signaling a bold new era for Somalia’s future, President Dr. Hassan Sheikh Mohamud today officially launched...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

"Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban"

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country
English News

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive
English News

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria
English News

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
  • “Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
  • Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00