Xuutiyiinta waxay shalay Gantaal nooca Balaastikadda u soo tuureen jihada magaalladda Maka Al- mukarama ee dalka Sacuudiga, balse Gantaalkaasi waxaa lagu burburiyey Hawada, ka hor inta uusan soo gaarin magaalladda Maka Al-mukaram oo ay ku yaallaan goobaha ugu muhiimsan Islaamka, sida Masjidka weyn ee Xaramka, Kacbada Barakaysan iyo goobo badan oo lagu cibaadaysto.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inay Ciiddanka Isbahaysiga ku burburiyeen Gantaalkaasi meel KM u jirta magaalladda Maka Al-mukarama
Dhinaca kale, Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa qirtay inay soo ganeen Gantaal Balaastik oo ay ugu magac dareen Barkaan 1, waxayna sheegeen inuu Gantaalkaasi hadafkiisu ahaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Boqor C/casiis ee ku yaalla magaalladda Jeddah ee kaabiga ku haysa Badda Cas.
©Radio Dalsan