Guddiga Badbaadada Suxufiyiinta ee CPJ ayaa soo saartay Warbixin Sannadeedka ku aadan dalalka sida ba’an loogu dhibaateeyo Suxufiyiinta, iyadoo ay Somalia noqotay Sannadkii Labaad safka hore kaga jirto Liiska dalalka Caalamka ee lagu dhibaateeyo Suxufiyiinta.
Guddiga Badbaadada Suxufiyiinta ee CPJ oo u xil-saaran Badbaadinta Suxufiyiinta Caalamka ayaa sheegay in Somalia lagu dilo Suxufiyiinta, iyadoo ay dadka dila Suxufiyiinta si madax bannaan ugu dhex nool yihiin Mujtamaca.
Warbixinta CPJ ayaa waxaa kaloo lagu sheegay inaan Dembiilayaasha dila Suxufiyiinta aan la soo qabanin, lana soo taagin Sharciga, waxayna dilalkaasi wax u dhimeen Dhaqdhaqaaqyadda Suxufiyiinta iyo Xorriyadda Hadalka.
Warbixinta CPJ waxaa lagu xusay in 24 Suxufi lagu dilay gudaha Somalia 10-kii sanno ee la soo dhaafay, iyadoo tirada guud ee Suxufiyiinta la dilay tan iyo sannadki i1992-kii gaarayaan 59 Saxafi.
Dhinaca kale, Liiska Guddiga Badbaadada Suxufiyiinta ee CPJ waxaa Somalia ku soo xiga dalalka Iraq iyo Syria, halkaasi oo ay Kooxda Daacish abaabulaan falalka lagu dilayo Suxufiyiinta ka hawl-gala Iraq iyo Syria.
Dalka Iraq 71 Saxafi ayaa lagu dilay tobankii sanno ee la so odhaafay, halka dalka Syria lagu dilay 17 Saxafi.
Warbixinta CPJ waxaa kaloo lagu muujiyey in 41 Saxafi lagu dilay dalka Filibiin, iyadoo dalka Sudan lagu dilay 21 Saxafi.
Kooxaha Xag-jirka ee ka hawl-gala dalalka Afganistan, Bangaldesh, Nigeria iyo Pakistan ayaa iyagana la sheegay inay beegsadaan Suxufiyiinta.
Taxanaha dalalka lagu waxyeeleeyo Suxufiyiinta ee ay Hay’adda CPJ soo bandhigtay waxaa kaloo ka mid ah: Brazil oo lagu dilay 15 Saxafi, Raashiya 9 Saxafi, Bangaladesh 5 Saxafi iyo Hindiya oo lagu dilay 13 Saxafi.
©Radio Dalsan