Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso ka Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Jawiil oo ka tirsan Gobolkaaas ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dhaawacay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Degmada Baladweyne.
Waxaa la sheegay in Mas’uulka la dhaawacay uu ka tirsanaa Waaxda Maaliyadda Baladweyne,isla markaana waxaa falkaas u geystay Askari ka tirsan Ciidanka dowlada,kadib markii labada dhinac uu Khilaaf soo kala dhexgalay.
Warar aan helnay ayaa sheegay in Mas’uulkaas lagu magacaabo Axmed Sheekh,kaasi oo si weyn looga yaqaano deegaanka Jawiil ee Gobolka Hiiraan.
Askarigii ka dambeeyay falkaasi ayaa si deg deg ah goobta uga baxsaday,sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka lagu dabiibayo Xaaladiisa Caafimaad Axmed Sheekh,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho,halka warar kalena ay tilmaamayan in loo qaaday dhanka Magaalada Baladweyne.