Dowladda Kenya ayaa lagu booriyey inay Ciiddanka KDF ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM laga soo daad-gureeyo Somalia, kadib, markii ay Dowladda Federalka Somalia joojisay Qaadkii laga keeni jirey Kenya.
Qaad U Ololeeyaha Kenya ee isku magacaaba Safiirka Qaadka Cagaaran ee Dahabiga (The Miraa Green Gold ambassador Rajesh Hirani ayaa ku dhiiri-geliyey Dowladda Kenya inay qaadaan Tallabadaasi, wuxuu kaloo ku baaqay in la xoojiyo Ammaanka Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.
“Go’aanka ay Dowladda Somalia ku sheegtay inay si KMG ugu xayirtay Qaadka waxa uu Fal-celin u yahay Go’aankii Dowladda Kenya ku xirayso Xerada Qaxootiga Dhadhaab” ayuu yiri Miraa Green Gold ambassadorRajesh Hirani oo isaga horey ugu ololeeynayey inay Dowladda Britain xayiraadda ka qaadaan Qaadka Ganacsatada Kenya u iib geyn jireen dalka Britain iyo inta badan Dalalka Qaaradda Europe.
©Radio Dalsan