Waxaa Goordhow kooxo burcad Koonfur Afrikan ah gudaha wadankaas ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaas.
Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay Xafadda Mamelodi oo hoos tegta Magaalada Pretoria,isla markaana kooxo hubeysan oo burcad ah ay dhowr xabadood ay la dhaceen Muwaadinka Soomaaliyeed,waxaana xiliga falkan uu ka dhacaayay ku sugnaa halkaasi.
Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in Marxuumka lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cali Xoosh,kaasi oo kamid ahaa Ganacsatda Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika.
Labda habeen kahor ayey aheyd markii Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Xuseen Muxumed Xasan sidaan oo kale loogu dilay Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Sanadkan gudihiisa lagu dilay dhowr qof oo Soomaali ah kana kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaasi,iyadoona weli aysan jirin cid ka hadashay dilalka arxan darada ah ee loo geysanaayo Soomaalida kunool Koonfur Afrika.