Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa markii uu gaaray Degmada Diinsoor ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uul ka tirsan maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee degmadaasi ayaa waxa ku wehlinayay xubno ka tirsan maamulkiisa,waxaana inta uu ku sugan halkaasi kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Degmada Diinsoor iyo Waxgaradka.
Madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliayay degmadasi sida Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.
Ammaanka guud Magaalada ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamo Boolis oo dheeraad ah la geeyay Kontaroolada laga soo galo Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.