Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil gelinkii dambe ee Maanta oo Axad ah ka dhacay duleedka Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose Dowlad goboleedka Jubbaland.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacal meel u dhow deegaanka Dalsan oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey laba maleeshiyo,waxaana ruuxa la dilay ka soo baxaya Warar kala duwan.
Dad ku sugan Kismaayo ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in qofka la dilay uu ka mid ahaa Dadka dhuxusha ka Ganacsada,in kastoo weli aan si dhab ah aan loo cadeyn.
Laamaha Amniga Jubbaland weli kama hadlin dilkaas Galabta duleedka Magalada Kismaayo loogu geystay Ninka Ganacsadaha ah,balse deegaankaas ayaa waxaa dhawaan gaarey Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Jubbaland kuwaas oo kala dhex galay beelo dagaalamay.