Galmudug oo Markale Magaalo u Magacaawday Guddi dhismo Golle degaan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Cabdi Waayeel ayaa Magacaabay Guddiga qaban-qaabada dhismaha Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Cabdi Waayeel ayaa lagu Magacaabay Guddiga qaban-qaabada dhismaha Golaha, kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood.

Guddigan ayaa waxaa ay ka shaqeyn doonaan sidii Golle deegaan Cusub loogu soo dhisi lahaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana Wareegtada lagu xusay in baahi loo qabo in Golle loo dhiso Magaaladaas.

Waa markii labaad oo Gaalkacyo loo Magacaabo Guddi soo dhisi doona Golle deegaan, horay ayuu Madaxweyne Qoorqoor u dhisay Guddi, hayeeshee Arinta Guddiga cabasho badan ayaa laga keenay, taas oo sababtay in Guddigaasi lagu kala diro wareegto kale.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Guddiga Cusub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media