Galmudug oo guddi u xilsaartay ka hor tortagga cudurka Covid19

Kulanka Golaha wasiiradda oo ku saabsanaa isbuucan dardargelinta howlaha xukuumadda, ayaa warbixin looga dhagaystay wasaarada dhowr ah sida:Maaliyadda,  Caafimaadka,Howlaha Guud,Warfaafinta, Arrimaha Gudaha,Cadaaladda, Gaadiidka,Xanaanada Xoolaha, Boostada &Isgaarsiinta, Dhalllinyarada iyo Gadiidka.

Kulanka waxa lagu magacaabay guddi heer wasiir ah oo wasaaradda caafimaadka

ka gacansiiya baahinta tallaalka civid-19 iyadoona la amray  in gaadiidka dowladdu iney ka qeybqataan Gaarsinta talalka Covid19 guud ahaan deegaanada xorta ah ee Galmudug,

Sidoo kale Golaha wasiiradda ayaa boggaadiyey wasaaradda amniga iyo ciidamada badda Galmudug oo gacanta kusoo dhigay Dooni si-sharci daro ah uga kalumaysanaysay xeebaha gobolka Mudug.

Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha ayaa faray dhammaan wasaaradaha inay dardargeliyaan adeegga ay bulshada u hayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor