Hirshabeelle oo la gaarsiiyey Tallaalka COVID-19

Wasaarada Caafimaadka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa kala wareegtay tallaalka ka hortagga COVID-19 oo loogu talagalay in ay ka faa’iideeystaan 25 kun oo qof oo ku nool dhamaan deegaannada Hirshabeelle, waxaana goobjoog ka ahaa maamulka gobalka shabeellaha dhexe, kan degmada Jowhar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Wakiilka WHO Maxamed Cabdikariin ayaa bulshada ku bogaadiyay in laga faa’iideeysto.

Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa bulshada ugu baaqay inay ka faa’iideystaan tallaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor