Ciidmada Itoobiya oo wajahaya eedeymo culus oo ku aaddan Xasuuq ay gaysteen

Shaqaalaha dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkeen dilkii sharci darrada ahaa ee askarta Ethiopia u geysanayeen afar qof oo rayid ah horraantii toddobaadkan.

Koox ka tirsan MSF iyo laba bas oo dadweyne ayaa askartu joojisay kadib weerar gaadmo ah oo ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee deegaanka.

Rakaabka ayaa lagu qasbay in ay ka degaan baska; afar nin ayaana laga soocay dadka oo la toogtay, sida ay soo werisay MSF

Saraakiisha ayaa sheegaya in eedeymaha ay u jeedisay hay’adda samafalka ee gargaarka caafimaadka la baadhri doono.”Ma jiro qof, askartana ha ahaatee, sharciga ka sarreeyaa,” ayay BBC-da u sheegtay safaaradda Ethiopia ee London.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor