Galmudug iyo Dowladda Federaalka oo ka shiray xaaladihii ugu danbeeyay ee Abaaraha

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta Bini’aadanimo ee ka dhalatay oo ka dhacay Madaxtooyada Galmudug.

Shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Ergeyga Gaarka ah ee DFS u qaabilsan arrimaha Biniโ€™aadanimada Abdirahman Abdishakur Warsame, oo gaaray magaalada Dhuusamareeb kadib safar dhulka ah oo uu kusoo maray qeybo ka mid ah deeganada Galmudug.

Waxaa sidoo kale shirka goobjoob ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Xeer ilaaliyaha Galmudug, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug, Xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsatada, culimada, dhalinyarada iyo haweenka Reer Galmudug.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug oo soo qabanqaabisay shirka ayaa warbixin guud ee xaalada abaaraha kusoo bandhigtay shirka, ayadoona lagu gorfeeyay deegaanada iyo dadka ay abaarta saameesay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu danbeyntii baaq u diray qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Galmudug ee ku sugan dalka iyo dibadiisa, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan caawinta iyo garab istaagga walaalahood ay abaartu saameysay, iyadoo la saadaalinayo in biyo laโ€™aantu kasii dari karto bilaha soo socda.

About Webmaster

View all posts by Webmaster