Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta Codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah kulan aan caadi aheyn ku yeelanaya Xaruntooda ay ku shaqeeyaan Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ku dhex taalla Madaxtooyada dalka.

Ajendaha kulanka XIldhibaanada ayaa waxaa uu yahay kalsooni u qaadida Xukuumadda cusub ee uu maalmo kahor magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Barnaamijkeeda, wuxuuna Xamse Maanta hortegayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa XIldhibaanada ka dalbanaya  inay Codka kalsoonida ah siiyaan Xukuumaddiisa uu soo dhisay, waxaana la filayaa in la ansixiyo Golaha Wasiirada oo uu kasoo muuqday wadaadka Mukhtaar Roobow.

Golaha wasiirada ee magacaaban ayaa maalmihii u dambeeyey waday kulamo xod-xodasho ah oo ay xildhibaannada uga codsanayaan inay meel-mariyaan xukuumadda cusub, taas oo durbo la kulantay dhaleeceyn uga imaaneysa dhinacyo kala duwan.

Xukuumadda la soo dhisay ayaa waxaa ka soo muuqday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansiir) oo ku dhowaad 3 sanno u xirnaa dowladdii hore, waxaana sidoo kale ka dhalatay hadal heyn xoogan oo ku aadan magacaabista Roobow oo loo dhibay xilka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor