Allaha U Naxariistee Gabdhahaasi oo lagu kala magacaabi jirey Nasiiba iyo Asma waxaa dhalay Professorka Soomaaliga ee caanka ah ee C/raxmaan Ahmed Nuur “Sulubâ€, kaasi oo horey u qoray Buuggaagta ka hadla Cilmiga Hoggaaminta.
Labada Gabdhood oo da’dooda kala ahayd 29 jir iyo 32-jir ayaa la sheegay in habeen hore lagu dilay dhismaha guriga ay ka deggan yihiin magaalladda Ottawa.
Sucaad Maxamed oo ay saaxiibo haaayeen Gabdhaha la dilay ayaa u sheegtay Wargeyska Ottawa Sun inay ka naxday dhacdadaasi, waxayna ku tilmaamtay inay ahaayeen dadka ugu wanaagsan ee ay abidkeeda la kulantay.
Weriye ka tirsan Wargeyskaasi ayaa sheegay inay Boliska xireen Nin taagnaa meel aan ka fogayn halka gabdhahaasi lagu dilay, waxayna Boliska ka gaabsadeen inay Eedeysanaha magaciisa shaaciyaan.
Boliska waxay sheegeen inay maydadka labada gabdhood ka heleen qololkii ay ku jireen, waxayna xuseen in mindi loo adeegsaday dilkooda.
Boliska waxay kaloo la hadleen xubnaha Qoyska gabdhaha la dilay, waxaana la sheegay in Baraitaankooda uu xayiray Baraf badan oo wada xiray Waddooyinka.
Dadka Soomaalida ee ku nool magaalladda Ottawa ayaa ka argagaxay dilka gabdhahaasi, waxayna ku baaqeen in la soo qabto dadkii ka dambeeyey dilkaasi.
Dhinaca kale, Iimaamka Masjidka Jamaaca Cumar, Anwar Malam ayaa sheegay in maydadka gabdhahaasi lagu wado in duhurnimadda maanta lagula tukado Salaadda Janaasadda, kadibna lagu aasi doono Qabuuraha Muslimiinta ee Ottawa Muslim Cemetery.
Xigasho: ottawasun.com
©Radio Dalsan
Â