Aasaasihii dalka Zambia Madaxweyne, Kenneth Kaunda, ayaa lagu aasey goob loo asteeyey oo laga surey taallo xusuusa, ka gadaal markii ay maxkamadda sare ay ka biyo diiday, codsi ka yimid wiilashiisa, kuwaasoo muran galiyey halka lagu aasayo madaxweynaha.
Wuxuu ahaa geesi si weyn ugga soo qeyb qaatey halgankii looggu jirey iska xoreynta gumeystayaashii kusugnaan jire dhanka koonfureed ee qaaradda Africa. Kaunda ayaa lagu galbiyey maamuska duugtiisa ciidanka military-ga, taasoo isu keentay xisbiyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, iyo madax ka kala socotey dalalka dhaca gobolkaasi.
Kaunda ayaa ku geeriyooday bishii hore, dada sagaashan iyo toddobo sano jir.
Markii naxashkii uu ku jirey la bud dhigayey, waxaa kor loo ridey xabado, iyadoo salaan sharafna loo saarey.
Madaxweynaha haatan ee dalkaasi Edgar Lungu, iyo xubno katirsan qoyska Madaxweynihii hore iyo siyaasiyiin, ayuu Madxweyne Edgar waxey kusoo wada duceysteen kaniisad, sagootintii uggu danbeysay ee ay u sameeyaan meydka Kaunda.
Iyadoo loo aqoonsadey Kaunda inuu dhisay dal nabad ah, haddana dhimashadiisa qoyskiisa way ku kala qeybsameen halkii lagu aasi lahaa.