Gabar dhalinyaro ah oo Goordhaweyd lagu dilay Magaalada Muqdisho

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dil goordhawed ka dahcay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Yaaqshiid ee Gobolkani Banaadir.

Wararka aynu helayno ayaa sheegaya in Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshid lagu dilay Gabar dhalinyaro ah, oo ka mida ahayd dadka degaanka, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo kua aad dilkaasi.

Gabadha ayaa lagu Magacabi jiray Nimca Abdirahman, waxaana ay ka mid ahayd dhalinyarada ka shaqeysa Isbitaalka Madiina,waxaana warar aynu helnay ay tilmaamayaan inay dileen koox hubeysan oo doonayay inay Taleefoonka ka dhacaan.

Xiligu dilku dhacayay ayaa marxuumaddu waxaa ay u socotay Goobteeda shaqaada, waxaana waddada ku helay dableydaasi hubaysan,kuwaasi oo sida dad Goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen watay Mooto bajaaj.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa goobta isaga baxsaday sida la sheegay,waxaana marxuumaddu ay ahayd Kaalkaaliso ka howlgali jirtay Cusbitaalka Madiina.

Ilaa iyo hadda laamaha ammaanka wax war ah kama soo saarin dilkaasi, waxaana goobta isaga baxsaday dableyda dilka gaysatay, kuwaasi oo ilaa iyo hadda aan la shaacin soo qabashodaada ama in ay jirto cid dabagashay dableyda dilka gaysatay.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka ay gaysanayaan dableyda hubaysan ee dhaca u gaysatay dadka shacabka ah, waxaana sidoo kale Xusid mudan in degmooyinka Muqdisho la geeyay Ciidamo gaar ah oo loogu talagalay inay ka hortagaan Dhibaatooyinka baahsan ay wadaaan kooxaha dadka dhaca u gaysta iyo Ciyaal weerada, waxaana degmooyinka qaar maalimihii dambe lagu arkayay Ciidamo badan oo amaaanka sugaya, sidoo kalena Shirarka looga arrinsanayo ammaanka Caasimadda joogto ayay noqdeen, walina dilalka dadka shacabka ah sidiii ayay u socdaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor