Gaalkacyo oo Lagu Maxkamadeeyey Badmaaxiyiin udhashay Yamen.

Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka mudug waxaa maata lagu maxkamdeeyey badmaaxiyiin udhashay dalka Yamen oo lagu soo eedeeyey inay sharci dara ah uga jaalabanayeen xeebaha soomaaliya kuwaasi oo ay dhawaan Ciiddamada maamulka Galmudug ka qabteen xeebaha maamulkaas.

Maxkamadda magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa go,aan ka gaartay kiiska Badmaaxintaas oo la qabtay xili ay ka jalaabayanayeen Badda waxaana ay maxkamadu ku riday xukun ah inay bixiyaan lacag dhan 60-kun oo Dollerka Mareynkanka markii  Badmaaxintaasi  lagu helay dabi ah inay Xaalufinayeen Kheyraadka Badda.

Waxaa maxkamadda ku sugnaa xiliga uu xukunkaasi  dhacayey madax katirsan Galmudug sida qaar kamid ah wasiirada maamulka oo uu kamid wasiir ku xigeen Cadaalada Galmudug Maxamed Maxmuud Guure oo goob joog ahaa ga’aanka ay maxkamadu ka gaartay kiiska Badmaxiintaasi udhashay Yamen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media