Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas deegaan ka tirsan xalay lagu gubay gaadiid dhowr ah oo siday Khudaar.
Gaadiidka la gubay oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Caasi ama Hoomey ayaa kusoo jeeday Magaalada Muqdisho,hayeeshee waxaa la sheegay in kooxo hubeysan ay ku gubeen xili ay marayeen inta u dhexeeysa deegaanada Lambar60 iyo Buulo Naagey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale gaadiidka la gubay oo gaarayay ilaa 4 Gaari ayaa waxaa la tilmaamay in Darawaladii Kaxeynayay ay wateen ragii hubeysnaa,kuwaasi oo weli la ogeyn halka lala aaday.
Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in gaadiidkaas ay gubeen rag ka tirsan Al-shabaab,isla markaana ay israsaaseyn daqiiqado socotay dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowladda iyo ragii gaadiidka gubay.
Si kastaba wadada u dhexeeysa Magaalad Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr jeer siyaabo kala duwan loogu gubay gaadiid Muqdisho u soo siday dhuxul iyo Khudaar,iyagoona falalkaas lagu eedeeyay Al-shabaab.