Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Burundi

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan Magaalada Kambaala ee Caasimadda dalka Uganda ayaa halkaas kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Burundi Évariste Ndayishimiye.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Burundi oo u saleeysan dhinacyo kala duwan.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Évariste Ndayishimiye ay wadahadal ka yeesheen Arrimaha iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Magaalada Kambaala kula kulmay Dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, iyagoona ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo kale uu la qaato Madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Uganda Yoweri Museveni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor