Ugu yaraan 11 Madaxweynayaal Afrikaan ah ayaa ku sugan Caasimadda dalka Uganda ee Kampala, si ay goobjoog uga noqdaan Munaasabada maanta Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni loogu caleema-saarayo xilka Madaxtinimada ee uu hayey tan iyo bishii Janaayo 29-dii ee sanadkii 1986-dii.
Munaasabadda Caleem-saarkiisa waxaa ka qeyb gelya Madaxweynayaasha kala ah:
1- Maxamed C/llaahi Farmaajo (Somalia),
2- Uhuru Kenyatta (Kenya),
3- Samia Suluhu Hassan (Tanzania),
4- Évariste Ndayishimiye (Burundi),
5- Emmerson Mnangagwa (Zimbabwe),
6- Salva Kiir (South Sudan),
7- Hage Gottfried Geingob (Namibia),
8- Alpha Conde (Guinea),
9- Sahle-Work Zewde (Ethiopia),
10- Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo (Democratic Republic of
Congo),
11- Nana Addo Dankwa Akufo-Addo (Ghana).
Munaasabadda Caleema-saarka ee Museveni oo 76-jirka ah ayaa waxaa lagu qaban doonaa Xafiisyada Madasha Midnimada Qaran (National Unity Platform (NUP) ee Deegaanka Kamwokya ee duleedka Kampala.
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa markii lixaad oo xiriir ah uu ku guuleystay Madaxtinimada dalkaas, waxaana doorashadii ugu dambeysay uu ku guuleystay Bishii Janaayo ee sanadkan 2021.
W/Q: Ustaad Nuuradiin.