FBI-da Maraykanka oo baadi-goobaysa Haweeney u dhalatay Urdun.

Hay’adda Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI-da ayaa shaaciyey inay ku raad-joogaan Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Axlaam Cariif Axmed Al-tamiimi, taasi oo loo haysto Is-qarxin sannadkii 2001-dii ka dhacday magaalladda Quddus-ta La-haysto,oo ay 15-qof ku geeriyootay, halka 120-kalena ku dhaawacantay..

Haweeneydaasi oo ay Askarta Yuhuudda qabteen sannadkii 2003-dii waxay qiratay Dembigaasi, waxaana lagu xukumay Xabsi 16-sanno ah.

 

Axlaam Cariif Axmed Al-tamiimi oo ahayd Saxafiyad ka hawlgasha Telefishin ku yaalla Dhulalka la-haysto ee Falastiin waxaa Xabsiga laga sii daayey  Heshiis ay Milliteriga Yuhuudda iyo Ururka XAMAAS isku dhaafsadeen Maxaabiis sannadkii 2011-kii, waxayna markii la sii daayey dib ugu laabatay dalkeeda hooyo

Dhinaca kale,Dastuurka Urdun ayaan oggolayn in Muwaadiniintooda loo gacan-gelyo dal shisheeye, si loogu maxkamadeeyo.

Haddii ay Maraykanka gacanta ku dhigaan Haweeneydaasi waxay muteysan kartaa dil ama Xabsi Daa’im.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media