Dowladaha Carabta oo loogu baaqay inay Gurmad gaarsiiyaan dadka ku macluulsan Somalia.

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Ahmed Abu Kheyd ayaa ku booriyey Dowladaha Carabta iyo Hay’addaha Samafalka Carbeed inay sida ugu dhaqsaha badan Gargaar Dhaqaale iyo Sahay Aadminimo u gaarsiiyaan dadka Soomaalida ee dhibaatadda kala kulmay Macluusha iyo Abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Somalia.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Maxamuud Cafiifi ayaa sheegay inuu Ahmed Abu Kheyd la kulmay qaar ka mid ah wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Carabta oo uu kala hadlay Xaalladda Macluusha ee ka jirta Somalia, kuna booriyey inay si ficil leh ugu gurmadaan Walaalaha Soomaalida ee dhibaataysan.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxa uu ku baaqay inay DFS lala garab istaago Dhaqaale iyo Farsamo, si loo dhaqaajiyo Gurmadka la gaarsiinayo dadka macluulsan.

Hadalkiisa ayaa ku soo aaday iyadoo ay dhowr Hay’addo Carbeed kaalin ka qaataan Hawlaha Gurmad ee loogu gargaarayo dadka ku macluulsan qeybo ka mid ah dalka Somalia.

In ka badan 6 million oo Somali ah ayey saamaysay Abaaraha iyo Macluusha, waxayna QM codsatay dhaqaale dhan 825 million oo Dollar, si Gargaar Aadminimo loogu gaarsiiyo Dadka ku macluulsan Somalia 6-da bilood ee soo socota.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media