Hoogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha dowladda fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
Waxaa uu sheegay in Farmaajo uu iska horkeenay madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda dhexe ee uu madaxweynaha ka yahay.
Shirkii dhuusamareeb ayuu sheegay in waxyaabaha hortaagan uu mas’uul ka yahay, isagoo si gaar ah ugu eedeyay in uu Farmaajo ku xadgudbay waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb2.
“Shirkii Dhuusamarreeb I waxaa ka qaybgalay 5 Madaxweyne Dowlad Goboleed. Dhuusamarreeb II waxaa ku biiray Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha 7 ayey noqdeen. Dhuusamarreeb III waxaa maanta ku sugan 4 hoggaamiye oo keli ah. Cid kale yuusan ku eedin Madaxweynaha, isaga ayaa dadkii kala irdheeyey ee masuuliyadda madaxa ha saarto” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.
Shirka Dhuusamreeb3 ayaa la filayaa in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, waxaana shirka wali ka maqan qaar ka mid ah madaxda Maamul Goboleedyada.