• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Farmaajo oo kireystay Shirkad u fududeysa socdaal uu ku tago Mareykanka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 24, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha uu xilligu ka dhacay, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu kireystay Shirkad Maraykan oo Ololeysa (US Lobby), si ay taageero uga geystaan dhismaha xiriir uu la yeesho Kongareeska Maraykanka, xilli ay sii kordhayso cambaaraynta uga imaanayso Maamulka Madaxweyne Joe Biden.

Safaaradda Somalia ku leedahay Washington DC waxay 22-kii bishii hore ee March Heshiis la gashay Shirkadda wax u ololeysa ee LFA Holdings oo Xarunteeda dhexe ku taallo Gobalka New Jersey, si ay gacan uga geystaaan abaabulka Socdaal uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Maraykanka, sid laga soo xigtay Fayl Buuxin cusub oo loo gudbiyey Wasaaradda Caddaaladaee Maraykanka.

Faylkaasi waxaa lagu muujiyey in Shirkadda wax u ololeysa ee LFA Holdings rajeynayso inay taageero ka geysato Kulamo uu Farmaajo la yeesho xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo xubno kale, balse ma qabanqaabinayo Kulan lala yeeshay Waaxda Fulinta ee Xukuumadda dalkaasi.

Warbixintan oo aan ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee foreignlobby.com waxaa lagu xusay in Madaxa Fulinta ee Shirkadda LFA Holdings, Luis F. Aleman uu warqadda Heshiiska uu la galay Danjiraha Somalia, Ambassador Ali Sharif Ahmed ku sheegay inay taageero ka geysan doonaan Xoojinta Xiriiradda ee Fursadaha Shirkadaha Gaarka loo leeyihiin ee malgashiga Tooska ee Dibedaha (Foreign direct Investment).

Waxa kale ee Luis F. Aleman ku sheegay qoaralka Heshiiska uu la galay Danjiraha Somalia in Hawsha Shirkadiisu ku jirto inay Taageero u muujiyaan booqashada Farmaajo ee Kongreeska Maraykanka (to show support for a US Congressional Visit).

Heshiiskaasi waxa kale oo uu dhigayaa in Shirkadda LFA Holdings la siiyo lacag dhan 150,000 oo Dollar oo ay shaqadaasi ku qabanayso, sida laga soo xigtay Diiwaangelinta Shaqsiga Aleman ee hoosta tagta Sharciga diiwaangelinta Shisheeyaha (Aleman’s individual registration under the Foreign Agents Registration Act (FARA).

Aleman ayaa ah Ololeynta keliya ee lagu diiwaan geliyey Xisaabta.

Qoraalka Heshiiskaasi ayaa ku taariikhaysan bishii March 22-da ee sanadkan, wana 3 maalmood kadib, markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony John Blinken uu soo saaray Hadal-qoraal oo uu ku baaqay insi degdeg ah loo qabto Doorashadda Somalia.

Shirkadda wax uololeysaee LFA Holdings iyo Safaaradda Somalia ee magaalladda Washington DC midna kama jawabin codsiyo lagu doonyey inay faahfaahin kaga bixiyaan Heshiiska ay wada galeen.

Somalia waxa uu qorshuhu ahaa in Doorashadda Madaxtinimada iyo Tan Barlamaanka la qabto bishii Feberaayo ee la soo dhaafay, balse waxa ku yimid dib-u-dhac, kadib, markii muran ku aadan geeddi-socodka Doorashadda uu soo kala dhex galay DFS iyo Hoggaamiyayaasha 5-ta Dowlad-gobaleed.

Sidoo kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony John Blinken waxa uu bishan April 13-dii soo saaray Hadal-qoraal kale oo uu ku muujiyey inay Dowladda Maraykanka aad uga niyad-jabtay Go’aankii ay Golaha Shacabka muddo 2 sano ugu kordhiyeen Farmaajo oo xilli Madaxeedkiisa ku ekaa bishii Feberaayo 8-dii ee sanadkan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaan kala caddayn ujeedada qarsoon ee uu ka leeyahay inuu booqdo dalka Maraykanka oo uu muddo dheer ku noolaa Buffalo, New York, ka hor inta uusan Madaxweyne Sheekh Shariif xilka Ra’isul-wasaaraha Farmaajo u magacaabin bishii November 1-dii ee sanadkii 2010-kii, wuxuuna xilkaasi hayey muudo 6 bilood, isagoo xilkalaga qaaday bishii June 19-dii ee sanadkii 2011-kii.

W/Q: Ustaad Nuuradiin.

Previous Post

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 24/04/2021

Next Post

Koonfur Galbed iyo AMISOM oo wada-hadal ka yeeshay Amniga Baraawe

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party
English News

Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party

May 15, 2025
Next Post

Koonfur Galbed iyo AMISOM oo wada-hadal ka yeeshay Amniga Baraawe

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00