Koonfur Galbed iyo AMISOM oo wada-hadal ka yeeshay Amniga Baraawe

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ay wehliyaan Maamulka Degmada iyo Taliyeyaasha ciidamada ayaa kulan la qaatay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM ee Magaalada Baraawe, Colonel Jonathan OChom.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga wada-hadal xoojinta wada shaqeynta iyo dardar gelinta howlaha lagu sugayo Amniga Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyeyaasha ciidamada iyo Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Baraawe ayaa Wasiirka kaga warbixiyay xaaladda amni ee Magaalada Baraawe iyo deegaanada hoos yimaada, iyagoo sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta laamaha amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Wasiir Ilyaas Qalinle ayaa ugu hambalyeeyay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM, Colonel Jonathan OChom xilka culus ee loo magacaabay, waxuna ugu mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajahan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka Al-shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor