Allaha u Naxariistee waxaa Goordhow Magaalada Hargeysa ee  Maamulka Soomaaliland ku geeriyootay fanaanada Soomaaliyeed Sahra Axmed Jaamac oo bilihii u dambeeyay ku sugneyd Magaalada Hargeysa.
Geerida Fanaanada ayaa waxaa Radio Dalsan u xaqiijiyey Abwaan Xasan Dhuxul Laab Saalax oo ka mid ah masuuliyiinta Kooxda Fanaaniinta xidigaha Geeska,waxa uuna sheegay in waayadaan ay fanaanadu Hargeysa ku xanuunsaneysay,iyada oo ugu dambeyn Maanta geeriyootay.
Allaha u Naxariistee Fanaanada Sahra Axmed Jaamac ayaa waxa ay ka mid aheyd Hoboladii Qaranka ee Waaberi,waxa ayna ku luuqeysay heeso isugu jira Jaceyl iyo Wadani basle Maanta ay geeriyootay.
Heesaha lagu xasuusta Fanaanada Sahra Axmed Jaamac ayaa waxa ka mid ah Heesta Naf ku jecel  iyo heeso kale oo aad u farabadan.
Goordhow la socda Taariikha Fanaanada Allah u Naxariistee Sahro Axmed Jaamac.