Waxaa Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanada Faa’isa Beela oo kamid aheyd dadkii ku dhaawacmay weerarkii maalin kahor lagu qaaday Hotelka Elite ku yaalla xeebta Liido.
Faa’isa Beela ayaa ku sugneyd xilii uu weerarka bilaabanayay gudaha Hotelka, waxaana soo gaaray dhaawac Culus, iyadoona la dhigay Isbitaalka Digfeer, isla markaana waxaa saacadihii lasoo dhaafay laga dareyrinayay xaaladeeda Caafimaad.
Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax ku qaaday Hotelka ee ku yaalla xeebta Liido ee Degmada Cabdicaiis ee Gobolka, iyagoo gudaha Hotelka ka dhex dagaalamayay 5 saacadood oo xiriir ah, wallow markii dambe lasoo afjaray howlgalka.
Ugu yaraan 17 qof oo 5 kamid ah ay yihiin ragii weerarka soo qaaday ayaa ku geeriyooday halkaas, halka 13 qof kalena ay ku dhaawacmeen weerarka, waxaana laamaha amniga dowladda ay soo badbaadiyeen dad ku dhow 300 qof.
Dadkii weerarka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah ahaa Agaasimihii xiriirka Gobolada Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cabdisaaq Cabdi, kaasi oo shalay lagu aasay Magaalada Muqdisho.