Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u Cambaareeyay weerarkii Al-shabaab maalin kahor ay ku qaadeen Hotelka Elite ee ku yaalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan xeebta Liido.
Xoghayaha Guud ee Ururka Dr. Yuusuf Bin Axmed Al-Cuseymiin oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku caddeeyay inay ka xun yihiin weerarka lagu qaaday Hotelka oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii ku sugnaa halkaas.
Dr. Yuusuf Bin Axmed ayaa waxaa uu tacsi u diray qoysaska dadkii shacabka ahaa ee qaraxaas ku geeriyooday iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay.
Isaga oo sii hadlaayay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa waxaa uu weerarka ku tilmaamay ficil argagixiso ah, waxaana uu caddeeyay Ururka Iskaashiga uu Soomaaliya ka taageerayo dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.
Si kastaba 17 Qof ayaa ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday Hotelka Elite, halka 13 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana weerarka Mas’uuliyadiisa sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.