Fanaan caan ahayd oo lagu toogtay Mareykanka

Christina Grimmie oo ahayd gabar Ameerikan ah oo fanaan ahayd ayaa goor dhaw u geeriyootay dhawaac ka soo gaaray rasaas uu ku riday nin hubeysan iyada oo bandhig ku dhigeysay gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Telefishinka CNN ayaa sheegaya in nin ku hubeysan laba qoray oo isagana istoogtay markii dambe uu rasaas ku furay faananka iyada oo waqtigasi heyseysay sida laga soo xigtay Afhayeenka Booliska magaalada Orlado ee gobolka Florida Wanda Ford.

Ninkii hubeysnaa ayaa isagana istoogtay kadib markii uu qabtay oo uu xakameeyay wiil la dhashay gabadha la toogtay.

Christina Grimmie ayaa geeriyootay wax yar kadib markii loola cararay cisbitaalka sida laga soo xigtay ehelkeeda.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor