• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, June 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 11, 2016
in Warar
Reading Time: 8 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Mogadishu, 11 June 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Baarlamaanka oo ansixiyey Sharciyada Xisbiyada Siyaasadda, Xanaanada Xoolaha iyo Guddiga Xaquuqda Aadanaha, Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo in ka badan 120 maleeshiyaadka Al-Shabaab ku dilay deegaanka Halgan, Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiisyo kala saxiixday, Wadooyin la dhagaxdhigay magaalada Baydhabo, Dowlad Goboleedka Koofur-Galbeed oo Gaadiid la guddonsiiyey, Madaxeynaha Soomaaliya oo booqday Xerada Qaxootiga Dhadhaab, Ciidamada XDS oo la wareegey deegaanada Juungal iyo Jali-Xareed iyo Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay danbiilayaal xaday qalabka iyo shidaalka ciidamada AMISOM.

Baarlamaanka oo ansixiyey Sharciyada Xisbiyada Siyaasadda, Xanaanada Xoolaha iyo Guddiga Xaquuqda Aadanaha

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 6dii Juun 2016 meel mariyay sharciyada Axsaabta Siyaasadda, Xananada Xoolaha iyo dhismaha guddiga madax banaan ee Xuquuqda Aadanaha. Sharciga axsaabta siyaasadda ayaa waxaa ogolaatay 149 madane waxaa diiday hal xildhibaan waxaana ka aamustay sadex mudane, sidoo kale sharciga xanaanada xoolaha ayaa waxaa ogolaatay 150 mudane iyadoo ay ka aamuseen sadex xildhibaan mana jirin cid diiday. Baarlamaanka ayaa sidoo kale ansixiyay sharciga dhismaha guddiga madax banaan ee xuquuqul insaanka kaas oo ay ogolaadeen 145 mudane waxaa diiday sadex halka ay ka aamuseen shan xildhibaan.

Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo in ka badan 120 maleeshiyaadka Al-Shabaab ku dilay deegaanka Halgan

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Maxamed Axmed ayaa 9kii Juun 2016 caddeeyay in weerarkii ka dhacay deegaanka Halgan lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Al-Shabaab. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay weerarkii fashilmay ee kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay deegaanka ku lahaayeen Ciidamadda AMISOM ee Ethiopia uu jab xoogan ka soo gaaray Al-Shabaab, wuxuna tilmaamay in qorshuhu ahaa sidii ay horey u sameyn jireen in ay dhibaato xoogleh gaarsiiyaan Ciidamadda AMISOM, balse ay ciidamaddu u diyaar sanaayeen ka hortagidda weerarada cadowga.

Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiisyo kala saxiixday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa 4tii Juun 2016 ka qeybgaley munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho oo ay labada dal ku kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo iskaashi. Heshiisyada oo gaaraya sagaal ayaa waxaa ka mid ahaa:
1. Iskaashi dhexmaraya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu (AA).
2. Heshiis la xiriira canshuuraha.
3. Heshiis dhinaca caafimaadka xoolaha
4. Heshiis dhinaca kobcinta iyo xaq-dhowrka maalgashiga.
5. Heshiis dhinaca tababarka Booliska.
6. Heshiis dhinaca waxbarashada.
7. Heshiis dhinaca tababarka iyo iskaashiga caafimaadka milatariga.
8. Heshiis dhinaca tamarta iyo macdanta.
9. Heshiis dhinaca shaqada, shaqaaleynta iyo tayeynta xirfadaha.
Heshiisyadan waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Cabdisalaam Hadliyeh Cumar, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, iyo Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Adaala). Dhinaca Turkiga waxaa heshiisyadan qalinka ku duugay Wasiirka Dhaqaalaha, Nihat Zeybekci, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mevlüt Çavuşoğlu iyo Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka ee Turkiga Andolu, Senol Kazanci.

Wadooyin la dhagaxdhigay magaalada Baydhabo

Maamula Gobolka iyo kan degmada Baydhabo ayaa 9kii Juun 2016 magaalada Baydhabo ay ku dhagax dhigeen mid kamid ah Waddooyinka magaalada oo si aad ah u burbursaneed, taas oo muhiim u ah marinka Gaadiidka. Waddadan lagu magacaabo 30 ka waxaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay Gudoomiyaha Gobolka Baay Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo Duqa Degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin. Waddada ayaa waxaa dhismaheeda Iska-kaashanaya Hay’adaha DDG, DRC iyo waliba Shacabka Baydhabo. Waxaana Dhirarkeedu uu gaaraya 3km balac wadada waa 20 mitir, waxaana mashruuca lagu dhisayo wadada lagu magacaabaa “Wax keen aan wax kuudhise oo ay wadaan Hay’adaha DRC Iyo DDG oo bulshada lagu dareensiinayo in iyaga Dalkooda ay Dhisan karaan.

Dowlad Goboleedka Koofur-Galbeed oo Gaadiid la guddonsiiyey

Danjiraha Dowladda Isu-taga Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, ayaa 8dii Juun 2016 Madaxweynaha Dowladda Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya ku wareejisay 11 gaadiid ah, oo qayb ka ah taageerada dalka Imaaraatka Carabta uu siinayo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ka dhisan. Deeqdan oo ka kooban 11 gaadiid oo isugu jira gawaarida aan rasaastu karin, kuwa ciidanka, Booyad iyo mid ka mid ah gawaarida gurmadka deg-dega iyo gaargaar kale ee Cunto oo bisha barakeysan ee Ramadaanka loogu tala galay masaakiinta, waxa Safiirka Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya, danjire Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, uu ku wareejiyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxeynaha Soomaaliya oo booqday Xerada Qaxootiga Dhadhaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo 6dii Juun 2016 booqday Xerada Qaxootiga Dhadhaab ayaa qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan xeradaas u sheegay in lama huraan ay tahay inay dib dalkooda ugu laabtaan, iyadoo dib u noqoshadoodana la waafajinayo xeerarka caalamiga ee qaxootiga. Madaxweynaha oo qaxootiga Soomaalida kula hadlayey xeryaha Dhadhaab, ayaa xusay inaaney waxba ka jirin wararka sheegaya in qaxootiga si qasab ah xadka looga tallaabin doono, isla markaana Kenya oo ah dal lagu yaqaano dimoqraadiyadda iyo ku dhaqanka sharciga aaney ka suuroobin inay fal noocaasi oo kale ah ku dhaqmaan. “Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR horey waxaa u dhexmarey heshiis ku saabsan dib u laabashadiina, waana khiyaari ee ma jirto ruux la qasbi doono’’, ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhalinyarada wax ku bartey xeryahan iyo machadyada kala duwan ee Kenya, aqoontooda looga baahan yahay dalka, si ay dib u dhiska qeyb uga qaataan.

Ciidamada XDS oo la wareegey deegaanada Juungal iyo Jali-Xareed

Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa maamulka jubbaland ayaa 6dii Juun 2016 la wareegay deeganada Juungal iyo Jali Xareed oo qiyaastii 40km u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xooga Dalka ay hadda gacanta ku hayaan deegaanada ay kala wareegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Mudooyinkan dambe ayaa ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kamandooska waxaa ay fulinayeen howlgalo lagu bartilmaameedsanayo horjoogiyaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo weerarkii u dambeeyay lagu qaaday deegaanka Beerxaano oo ka tirsan gobolka Jubada hoose halkaas oo lagu diley horjoogiyaal Al-Shabaab ahaa.

Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay danbiilayaal xaday qalabka iyo shidaalka ciidamada AMISOM

Ciidanka Booliska ayaa 5tii Juun 2016 gacanta ku soo dhibay saraakiil ka tirsan AMISOM iyo shaqsiyaad Soomaaliyeed oo soo xaday Qalab isugu jiray Shidaal, qalabka difaaca lagu sameeyo, qalabka loogu talagay dayactirka gawaarida iyo teleefanada loo adeegsado qaraxyadda oo garaash ku yaala dhabarka dambe wakaaladda biyaha ee isgoyska Banaadir. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in ciidanka booliska ay ku guuleysteen dabo gal dheer kadib in gacanta ku dhigaan garaashka qalabka lagu kala iibsanayay. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dadka loo hesyo eedayntaasi la horkeeni doono sharciga, isagoo ciidanka ku booriyay sida ay xogta u heleen iyo howsha ay ku guuleysteen. Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in garaashkan lagu iibanayay qalabka loogu talagalay AMSIOM, si loogu qalqaliyo amniga ka jira magaalada Muqdisho isagoo u mahadceliayay ciidanka fuliyay howgalka.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]
Tel. +252 61 2777736 Email: [email protected] – Muqdisho –Somalia

Previous Post

Fanaan caan ahayd oo lagu toogtay Mareykanka

Next Post

Dhageyso: Warka duhurnimo ee radio Dalsan

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 11, 2025
Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo
Warar

Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo

June 11, 2025
Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

June 11, 2025
Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah
Warar

Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah

June 11, 2025
Next Post

Dhageyso: Warka duhurnimo ee radio Dalsan

Somalia Earns Global Praise from UK for World-First Ammunition Tracking System in Landmark Security and Development Talks

Somalia Earns Global Praise from UK for World-First Ammunition Tracking System in Landmark Security and Development Talks

by Gesey Liban
June 13, 2025
0

In a significant diplomatic milestone, the United Kingdom has formally recognized Somalia for pioneering the world’s first comprehensive national ammunition...

Somalia’s Ministry of Information Participates in EAC Regional Cultural Forum in Tanzania

Somalia’s Ministry of Information Participates in EAC Regional Cultural Forum in Tanzania

by Gesey Liban
June 13, 2025
0

The Federal Government of Somalia’s Ministry of Information, Culture and Tourism has participated in a key regional summit organized by...

CHILDREN DON’T BELONG AT WORK! Somalia’s Ministry of Labour Calls for End to Child Labour on World Day Against Child Labour

CHILDREN DON’T BELONG AT WORK! Somalia’s Ministry of Labour Calls for End to Child Labour on World Day Against Child Labour

by Gesey Liban
June 13, 2025
0

Mogadishu, Somalia — As the world marks June 12 – the World Day Against Child Labour, Somalia’s Ministry of Labour...

Lost at Sea, Found with Hope: Three Somali Fishermen Reunited with Families After Months Adrift

Lost at Sea, Found with Hope: Three Somali Fishermen Reunited with Families After Months Adrift

by Gesey Liban
June 13, 2025
0

Mogadishu, Somalia — In an emotional and triumphant moment for families and the wider fishing community, three Somali fishermen who...

Somalia Earns Global Praise from UK for World-First Ammunition Tracking System in Landmark Security and Development Talks
English News

Somalia Earns Global Praise from UK for World-First Ammunition Tracking System in Landmark Security and Development Talks

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Ministry of Information Participates in EAC Regional Cultural Forum in Tanzania
English News

Somalia’s Ministry of Information Participates in EAC Regional Cultural Forum in Tanzania

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
CHILDREN DON’T BELONG AT WORK! Somalia’s Ministry of Labour Calls for End to Child Labour on World Day Against Child Labour
English News

CHILDREN DON'T BELONG AT WORK! Somalia’s Ministry of Labour Calls for End to Child Labour on World Day Against Child Labour

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Lost at Sea, Found with Hope: Three Somali Fishermen Reunited with Families After Months Adrift
English News

Lost at Sea, Found with Hope: Three Somali Fishermen Reunited with Families After Months Adrift

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia, Turkey Deepen Security and Economic Ties Amid Shifting Regional Alliances
English News

Somalia, Turkey Deepen Security and Economic Ties Amid Shifting Regional Alliances

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Middle East on Edge: Israel Bombs Iran’s Nuclear Sites as U.S. Denies Involvement
English News

Middle East on Edge: Israel Bombs Iran’s Nuclear Sites as U.S. Denies Involvement

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Earns Global Praise from UK for World-First Ammunition Tracking System in Landmark Security and Development Talks
  • Somalia’s Ministry of Information Participates in EAC Regional Cultural Forum in Tanzania
  • CHILDREN DON’T BELONG AT WORK! Somalia’s Ministry of Labour Calls for End to Child Labour on World Day Against Child Labour
  • Lost at Sea, Found with Hope: Three Somali Fishermen Reunited with Families After Months Adrift

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00