Al Shabab oo toogasho ku dilay 2 Kenyan ah oo Sirdoon u ahaa Kenya

Al Shabab ayaa lagu soo waramayaa iney toogten laba nin oo kamid ahaa ajaanibta ka barbar dagaalanta Al Shabab.

Laba qof ee la toogtay oo  u dhashay wadanka kenya waxa ka soo kala jeedan magaalooyinka Mombasa iyo Eldoret ee Kenya Waxaana lagu magacabaa Abdullah Faraj oo jira 22 sano iyo Jared Mokae Omambia oo jira 31 sanno.

Al Shabab ayaa labadan qof ku eedeyay iney basaas ama sirdoon u ahaayen dowlada Kenya iyo hey’adda kale oo dhinaca sirdoonka qaabilsan.

Al Shabab ayaa shalay sido kale goob fagaare ah ku toogtay 3 qof oo basaasnimo lagu eedeyay halka la gowracay nin kale oo isagana ay sheegen inuu ka dambeeyay sirtii lagu dilay hogaamiyihii Al Shabab Axmed Cabdi Godane.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor