• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 2, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(Falaanqeyn): War-murtiyeedka Kulankii Saddex-geesoodka ee Garowe

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 19, 2015
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharma’arke iyo Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay toddobaadkii hore Shir saddex-geesood ahaa ku yeesheen magaalladda Garowe ee caasimadda Gobalka Nugaal, ahna halka uu Maamulka Puntland ka hawlgalo.

Kulankaasi ayaa ahaa Shir aad u adkaa, isla markaana dhowr jeer lagu kala booday, kadib, markii ay C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ku adeegeen qoddobo ay u arkaan inay Muqadas tahay, balse Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Kulankaasi iska ahaa mid Fadhi-ku-dirir Siyaasadeed ahaa.

Ajendayaasha la sheegay in ay labada dhinac isku fahmi waayeen ayaa ahaa Dhismaha Guddiyadda Heer Qaran ee ay Mudanayaasha Barlamaanka Federalka u codeeyeen iyo Muranka Aqoonsiga Maamul-gobaleedka Galmudug ee deriska la ah Maamulka didsan ee Puntland.

Labadaas qoddob ayaa keentay inuu Shirku seeto-dheeraado, isla markaana uu Ra’isul-wasaaruhu ku maskax-daalay Isbahaysiga Gaas iyo Madoobe.

Madaxweynaha Puntland isagoo aan Borotokoolka Dowladnimo eegin ayuu safar aan qiimo lahayn ugu ambabaxay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, iyadoo uu weli Ra’isul-wasaaruhu ku sugan yahay Puntland.

Xeeldheerayaasha ayaa su’aal ka keenay Dhaqanka noocvaasi, kuna tilmaamay mid lagu baylihiyey Haybadda uu lahaa Ra’isul-wasaaraha Qaranka.

Sidaasi oo ay jirto, War-murtiyeed laga soo saaray Kulanka Saddex-geesoodka ee socday muddadii u dhexeysaay 11-kii ilaa 19-kii bishan July ayaa waxaa laga soo saaray saddex qoddob oo kala ah:-

1.      Dastuurka Federalka Somalia,

2.      Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed,

3.      Xiriirka Dowladda Federalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka.

4.      Dib-u-heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed.

Nuxurka qoddobadaaasi ayaa ah inay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharma’arke,  C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe isku raaceen in la dhowro Dastuurka, Midnimadda iyo in gogol loo dhigo Shirweyne Nabadeed si ay Bulshadda Soomaaliyeed u gaaraan Xal iyo Is-faham.

Qoddobka saddexaad ee War-murtiyeedka ayaa u muuqda mid ka turjumaya Khilaafka Puntland ee ay mar kasta soo laba kacleeya, isla markaana ay Madaxda Dowladda Federalka marar badan ka qanciyeen Maamulka Puntland.

Falaanqeynta  Xiriirka Dowladda Federalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka ayaa ah Aragti aan la isku raacsanayn, waxayna Puntland mar kasta cuskadaan qoddobo rimay-gacmeed ah oo aan khuseynin Dastuurka ay Beelaha Soomaaliyeed wada ansixiyeen.

Waxayna taasi micnaheedu tahay inuu Maamulka Puntland qeyb ka yahay Beelaha Soomaalida, oo aysan darjo ama haybad kale dheerayn.

Waa hubaal in eray-bixinta ku larayo deel-qaaf ah inay had iyo jeer dhaliyaan  cakirnaan siyaasadeed iyo Dood xaldoon xalkeedu ku dambeeyo Xarig-jiid Siyaasadeed.

Siyaasad-dhisayaasha ayaa rumeysan in qoddobadda la soo saaray yihiin kuwo Muqadas oo lama taabtaan ah, balse waxaan War-murtiyeedka lagu xusin Ballaarinta Maamulka Dowladda iyo Dhismaha Dowlad-gobaleedyadda, iyadoo ay Gaas iyo Axmed Madoobe muujiyeen inay ka biyo diidsan yihiin Dhismaha Maamul-gobaleedka Galmudug.

Labada Hoggaamiye oo Isbahaysi ujeedo badan leh ayaa isku muujinayo  inay yihiin Awood kale oo lagu doonayo in lagu mucaarado, laguna maafeeyo Awoodda iyo Waxqabadka Dowladda Dhexe.

Docda kale, Madaxweynaha Puntland waxa uu ilaa iyo haatan ka meermeerayaa inuu ka jawaabo Casuumaad-siyaasadeedka uu dhigiisa Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed ku soo bandhigay inay kulan farsamo yeeshaan, si loo xaliyo khilaafka taagan, lagana shaqeeyo nabadda guud ee Ummadda ku nool Galmudug iyo Galgaduud.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay lama huraan tahay inay Siyaasiyiinta u saldhigaan Khilaafkooda, kana shaqeeyaan Danaha Qaranka iyo Wada-noolaashaha Ummadda Soomaaliyeed ee wada dhashay.

Si kastaba ha ahaatee, Heshiiska Ra’isul-wasaaraha Dowladda Federalka iyo Maamulladda Puntland iyo Jubbaland ma dhaqan geli doona ?, Madaxda Puntlandse ma aqoonsan doonaan doorkooda? Mise Gaas waxa uu heshiiska u laali doona sidii uu u laaday Heshiisyaddii uu horey ula galay Dowladda Federalka?

Waa su’aal da’ weynoo, madaxa daal;inaysee, adoo deggan u fiirso, Waayaha ha laga war dhowro.

WQ. Hassan Ali Osman “Istiila”

Previous Post

Dhageyso: Barnaamijka ciyaaraha Dalsan ,19-07-2015

Next Post

Hay’adda CCA oo qabatay Bandhig dhaqameed loogu dabaaldagayey maalinta Ciidul-fitriga

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Warar

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

July 2, 2025
Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho
Warar

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

July 2, 2025
Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Warar

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

July 2, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

June 30, 2025
Next Post

Hay’adda CCA oo qabatay Bandhig dhaqameed loogu dabaaldagayey maalinta Ciidul-fitriga

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta shir xasaasi ah ku leh...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Sevilla ee...

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta ayaa maanta banaanbax cabasho ah ka dhigay isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada Muqdisho,...

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan, ayaa xaqiijiyay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo...

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Warar

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho
Warar

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Warar

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Young Motorcycle Riders Protest in Mogadishu Over Alleged Harassment and Extortion
English News

Young Motorcycle Riders Protest in Mogadishu Over Alleged Harassment and Extortion

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
  • Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho
  • Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00