Tan iyo markii uu Gumeysigii Ingiriiska ay Kenya ku biiriyeen dhulkii Soomaalida ee NFD waxaa taagnaa Khilaaf Sooyaal ah oo ku aadan saami dhuleed Soomaalida ee sida dhagarta lahayd loogu daray sohdinta Kenya.
Waa hubaal in Waddaniyiinta Soomaalida ee ku nool Gobalka NFD iyo qeybaha kale ee dal-weynihii Somalia inay gocasho Taariikheed ku tahay Sed-bursiga Ummadeed iyo xuduud-dhuleedka la raaciyey dhulka Kenya iyo hamiga ay Kenya weli ugu hamuun qabto inay la wareegto qeybo ka mid ah xuduudka badda iyo berriga ee dalka Somalia.
Damaca noocaasi ayaa waxaa ku dhiiri-gelinaya Kenyanka iyadoo ay ugu muuqato inay dadka Soomaaliyeed ku sugan waayo adag, Khilaaf Siyaasadeed, mid beeleed iyo dagaallo cayn-caynba ah.
Tusaalaha ugu nugul ayaana xilligan laga dheehan karaa Daandaansiga iyo Damaca Dowladda Kenya ee jihooyinka badan ee ay ku doonayso inay ku boqno goyso Dib-u-soo-kabashadda dadka iyo dalka Somalia, kadib, sannooyinkii adkaa ee lagu soo nolol qaatay dagaallo, burbur, Dowlad-xumo iyo Siyaasado is-diidanaa.
Dowladda Kenya waxay is-hoga tusaaleeyaan inay haystaan Fursadaha Galaangalka ay u leeyihiin Faragelinta Arrimaha Gudaha ee dalka Somalia iyo inay leeyihiin awood Milliteri oo ay dadka Soomaalida kaga fara maroorsan karaan Digaalka Dihan ee hodanka ku ah Badda iyo Berriga Somalia.
Soo-gelitaankii Ciiddanka Kenya ee gudaha Somalia ayaana loo arkaa inay ahayd fursadii albaab-furka u noqotay Sheegashadda Kenya ee xuduud-baddeedka Somalia, Dhismaha Derbiga Ujeedo badanka ah ee lagu xalaalaysanayo dhulka Soomaalida ee ku teedsan Xuduudka labada Waddan.
Kenyanka waxay kaloo tacadiyo muuqda iyo kuwo qarsoon ku hayaan Ganacsatadda iyo Qaxootiga Soomaalida ee uu waayuhu baday inay maciin ka dhigtaan rafaadka ku haysta gudaha dalkaasi.
Waxay fursad ay ku gorgortamaan iyo naas u irmaan ka dhigtaan Hay’adaha iyo dalalka Calaamka ee taageeradda siiya boqolaalka qarxootiga Soomaalida ee ku nool Xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalkaasi, waxayna Dowladda Kenya xeellad ka dhigataa inay Beesha Caalamka ugu caga-juglayaan inay xiri doonaan Xeryaha Qaxootiga iyo inay dadka Qaxootiga Soomaalida dib ugu celin doonaan dalkooda hooyo.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Kenya muddo dheer ku naawilaayeen inay dhabo u helaan Sheegashadooda been abuurka ee Milkiyadda qeyb ka mid ah Xuduud-baddeedka Somalia.
Dowladda Kenya waxay sheegtaan inay Dukumentiyo aan Sugnaansho Sharciyad leh la saxiixdeen Madax hore oo Soomaali, kuwaasi oo ay Muranka Xuduud-baddeedka Somalia ka gaareen waxa loogu yeero Is-faham (A memorandum of understanding) ama MoU).
Balse, Madaxda la sheego inay saxiixeen Heshiikaasi Isfahamka waxay gaashaanka u daruureen inay qalinka ku duugeen Heshiiskaasi, iyadoo ay Dowladda Kenya u aragto Heshiis mid ay ka dhigan karto Qiil hagoogsan Ku-qabso Ku-qadi maysid.
Qiil sheegashadaasi ayaana fashilmay, kadib, markii ay Dowladda Somalia ay bishii July 13-dii ee sannadkii 2015-kii u gudbisay Maxkamadda Garsoorka Caalamiga ee ICJ ee magaalladda The Hague ee dalka Holland dacwad ka dhan ah sheegashada Kenya ee xuduud-baddeedka Somalia oo ku fadhiya in ka badan 100-KM oo isku wareeg ah, kana buuxaan kaydadka Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga.
Xuduud-baddeedkaasi oo saddex geesood ah waxa uu yaalla Badweynta Hindiya, meel ku dhow xuduud-baddeedka ay Somalia la wadaagto Kenya.
Dacwadda ay Dowladda Somalia u gudbisay Maxkamadda ICJ waxay ku codsatay in la cayimo sohdinta Badda ee labada dal ka wadaagaan Badweynta Hindiya, oo ay ku jiraan biyaha dalka, Aagga Dhaqaalaha Gaarka iyo Geyi-qaaradeedka wixii ka baxsan 200 oo nautical miles.
Dowladda Kenya waxay gaashaanka ku dhufatay inay Xeer-beegtida Maxkamadda ICJ qaadaan dacwadaai, waxayna sheegeen inay Somalia iyo Kenya murankooda ku xalisan doonaan meel ka baxsan Maxkamadda ICJ.
Dowladda Somalia waxay ku adkeysatay in Maxkamadda ICJ xukmiso muranka xuduud-baddeedkaasi, iyadoo Maxkamaddu dhegeysatay dhowr Gar-maqalka labada dhinac, waxaana la filayaa inay Maxkamaddu mar kale dhegeysato Kiiskaasi bisha September ee soo socota.
Dowladda Kenya waxay bilowday Galaangal kasta oo ay ku colaadin karto Dowladda Somalia, waxayna Dowladda Kenya ku dhawaaqday inay Somalia caddow ku tahay Kenya.
Bishii Feberaayo ee sannadkan, Dowladda Kenya waxay qeylo-dhaan kale ka muujisay Shirweyne Caalami oo lagu qabtay magaalladda London, kaasi oo lagu soo bandhigay Shidaalka Somalia.
Maamulayaasha Kenyaanka waxay ku doodeen inay DFS xaraashayso Xirmooyin ka mid ah Kaydadka shidaalka ee ku yaalla xuduud-baddeedka dhinaca Kenya, balse, sheegashadaasi waxaa la caddeeyey inaysan waxba ka jirin.
Dowladda Kenya waxay isla xilligaasi u yeerteen Safiirkooda ka joogay Somalia, halka Danjiraha Somalia laga codsaday inuu dib ugu laabto dalkiisa hooyo.
Dhaqdhaqaaq Diplomaasiyadeed ayaa bilowday, Labada Madaxweyne ayaa yeeshay Kulan uu Ra’isul-wasaaraha Ethiopia dhexdhexaadiye ah, balse, Kulankaasi waa lagu hungoobay.
Khilaafkii Diplomaasiyadeed ee labada dal ayaa u muuqda inuu sii laba-kaclnayo, waxayna Madaxda Kenya ku kaceen falal xasaasiyad Diplomaasiyadeed abuuray oo aan indhaha laga qabsan Karin.
Xubno ka tirsan Dowladda Somalia oo Xasaanad leh, kuna safrayey Baasaboorka Diplomaasiga ayaa waxaa bishan May 20-dii lagu xanibay Garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, kuwaasi oo loo diiday in la siiyo Fiisaha Dal-ku-galka dalkaasi, si ay uga qeyb galaan Shirweyne Caalami oo looga hadlayey Xal-u-helista dagaalladda dhex maray Beelaha wada deggan xuduudaha ay wadaagaan Somalia, Ethiopia iyo Kenya.
Waxaa habboon in Fal-celin kasta oo ay Dowladda Kenya ku abuurayso Xasaasiyad Diplomaasiyadeed iyo mid Xuduudeed in la ogaado in Hadafkoodu yahay Daandaansi Siyaasadeed, Quursi Qaranimo iyo Duullaan barer cad oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan xuduudkeenna bad iyo berri.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa habboon inaan indhaha laga qabsanin Xad-gudbyadda noocaasi, isla markaana loo midoobaa Qaddiyadda Badbaadinta Dadka iyo Dalka Somalia.