Akhriso:-Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland oo soo saaray War-murtiyeed

Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa Maanta waxaa Shir ku yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirkan ayaa markii uu soo dhammaaday kadib waxaa laga saaray War-murtiyeed ay labada dhinac isku raaceen.

Sidoo kale ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland,isla markaana waxaa looga wada-hadlay muhiim ah oo la xiriira adkaynta amniga iyo dedaalada dib u heshiisiinta dadka Reer Puntland iyo Galmudug iyo iskaashiga labada dowladood ee dhanka mowqifyada siyaasadeed, gaar ahaan geedi socodka dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan hannaanka lagu heshiiyey ee Federaalka ah.

Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka ka soo baxay Shirkii ay yeesheen Xaaf iyo Saciid Deni.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media