Shirweynaha 35-aad ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha IGAD ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalladda Muqdisho, xilli maalintii 5-aad aysan xiran yihiin inta badan Waddooyinka Muqdisho.
Hoggaamiyayaasha Somalia, Kenya, Djibouti, Uganda, Ethiopia iyo South Sudan ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Shirkaasi, inkastoo uu Madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Albashiir sababo dhinaca Ammaankiisa uga baaqsaday inuu ka qeyb galo Shirkaasi iyadoo uu Ku-xigeenkiisa uga wakiil noqon doono Shirka Madaxda IGAD uga furmayo Muqdisho.
Ajendayaasha Madaxda IGAD ku lafa-guri doonaan Shirkooda halka maalin ah ayaa waxa ugu uhiisan Xaalladda Siyaasadeed ee dalka South Sudan Ammaanka Horumarinta iyo Doorahooyinka ka dhici doona dalka Somalia.
Shirka Madaxda IGAD ku yeelanayaan Muqdisho ayaa ah kii ugu horreeyey ee lagu qabto dalka Somalia tan iyo markii la asaasay Urur-gobaleedka IGAD sannadkii 1986-kii.
Shirweynaha Madaxda IGAD waxaa kaloo lagu lafa-guri doonaa dadaalka loogu jiro Qabsoomidda Doorashooyinka  ka dhici doonto Somalia ee lagu soo dooran doono Madaxweyne Cusub iyo Mudanayaasha Barlamaanka Cusub.
Hoggaamiyayaasha IGAD ayaa la dhacsan sida ay Dowladda Federalka Somalia uga shaqeeyeen Horumarinta Siyaasadda, Nabadda iyo Waxqabadka Hawlgalka ay hayaan 22,000 Askari ee qeybta ah Nabad-ilaalayaasha Afrikaanka ee AMISOM.
Inkastoo Ajendaha Madaxda IGAD ku jirin qoddobkaasi, haddana waxaa habboon inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud galaangal siyaasadeed u yeesho inuu Hoggaamiyayaasha IGAD u soo bandhigo arrinta Milkiyadda Xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso, iyadoo la og yahay inay Makamadda Caalaiga ee Caddaaladda ee The International Court of Justice (ICJ) oo ku taalla magaalladda Hague ee dalka Netherlands (Holland).
Si kastaba ha ahaatee, Shir Madaxeedka IGAD ayaa lagu qiimeyn karaa heerka Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia, inkastoo aysan Madaxda IGAD ka weecanayaan in Xal Siyaasadeed loo helo Muranka Dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku aadan Milkiyadda Xuduud-baddeedka iyo Soo-celinta 130-ka kun ee Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeradda Dhadhaab oo ah tan ugu ballaaran Xerooyinka Qaxootiga ee Caalamka.
Markaynu isku soo duubno, Shir Madaxeedka IGAD waxa uu ku soo beegmay iyadoo uu Xilli Kala-guur Siyaasadeed ka jiraan dalka Somalia, inkastoo laga digayo Dib-u-dhac ku yimaada Jadwalka Qorshaha Doorashadda Somalia iyo inay Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-goibaleedyadda ku fashilmeen Shirkii ay Toddobaadkan ku lahaayeen Muqdisho.   Â
©Radio Dalsan