Sheekh Shacbaan Mubaje waxa uu arrintaasi shalay ka sheegay Salaadda Ciidda oo ay Muslimiinta Uganda ku tukadeen Masjidka Qadaafi ee magaalladda Kampala wuxuuna sheegay inaysan Diinta Islaamka oggolayn in la iska soo tuuro Ilmaha weli Uurka Hooyadda ku jira.
Muftiga waxa uu uga digay Dowladda iyo Garyaqaanadda inaysan Barlamaanka u gudbinin Sharcigaasi, wuxuuna xusay in qofkii taageera in ilmaha la iska soo tuuro inuu yahay Dilaa.
Dhinaca kale, Muftiga Guud ee Musliiinta Uganda waxa uu ka digay in Ardayda lagu baro Dugsiyadda Falalka Anshax xumida ee isku galmoodka ragga iyo haweenka.
©Radio Dalsan