Masjidka oo ku yaalla Gobalka Florida ayaa la sheegay inay Kooxaha Islaam Nacaybka ku gaamurtay ka dambeeyeen Falkaasi oo ku soo beegmay iyadoo ay Musliiminta u dabaal degayaan Farxadda Maalinta Ciidul Adxaha.
Kooxaha Dab Damiska ayaa gacan ka geystay sidii loo damin lahaa Dabka la qabadsiiyey Masjidka iyo Xarunta Islaamka ee ku taalla Degmadda Fort Piere oo ku-dhawaad 160 KM dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Orlando ee Gobalka Florida.
Muuqaal laga dheehday Kamerooyinka Qarsoon ee Masjidka ayaa muujinaya labo nin oo caddaan ah oo watay mooto, kuwaasi oo watay Waraaq iyo Dhalo ay ku jireen Dareere u ekaa Bansiin, oo ay ku ololiyeen qeyb ka mid ah Masjidka.
Gaashaanle David Thompson oo ka tirsan Xafiiska Shariifka ee Saint Lucle ayaa sheegay inaysan hubin inuu falkaasi yahay Fal Nacayb Cunsuriyad leh.
Baarayaasha ayaa rueysan in Falkaasi lala xiriirin karo 15-guuradii ka soo wareegtay Weerarkii Daaraha Mataanaha ee September 11 ee sannadkii 2001-dii.
Dhinaca kale, Afhayeenka Golaha Xiriirka Islaamka Maraykanka ee Gobalka Florida, Ahmed Bediyer ayaa ugu baaqay Maamulayaasha inay Kiiskaasi u baaraan inuu ahaa Fal Nacayb oo ka dhan ah Muslimiinta u dabaal degayso Farxadda Ciidul Adxa.
©Radio Dalsan