Madaxweynaha Dowladda Federalka, Maxamed C/llaahi Farmaajo si fudud kuma imanin Kursiga Madaxweynaha, wuxuuna u soo galay Halgan Siyaasadeed iyo Olole uu ku kasbanayey Taageeradda Shacbiga iyo Ciiddanka.
Waxa uu Masraxa Siyaasadda Somalia ka soo muuqday markii loo magacaabay Xilka Ra’isul-wasaaraha DFKMGS, bishii November 1-dii ee sannadkii 2010-kii, wuxuuna muujiyey Hawlkarnimo iyo inuu u ololeeyo sidii ay Ciiddanka Dowladda iyo Shaqaalaha ku heli lahaayeen mushaarkooda, iyadoo dadaalkiisa ku caano maalay, maadaama uu ku soo shaac baxay arrintaasi.
Waxa uu xilka Ra’isul-wasaaraha iska casilay markii uu Khilaaf shaac baxay uu soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynihii DFKMGS, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dowladda Uganda ayaa dadaal u gashay Garnaqsiga Labadaasi Hoggaamiye, balse, waa lagu hungoobay dadaalkaasi, wuxuuna Farmaajo xilkaas iska casilay bishii June 19-dii ee sannadkii 2011-kii.
Dhaqdhaqaaqiisa Siyaasadda ayuu halkii ka sii waday, wuxuuna dalka Holland ku asaasay Xisbiga Tayo bishii March ee sannadkii 2012-kii, ka hor inta uusan dib ugu laabanin dalka Maraykanka oo uu degganaa tan iyo 18-jirkiisii.
Siyaasiga Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu ka mid noqday Murashixiintii isku soo taagtay Doorashaddii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii ee uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Doorashadaasi oo uu Farmaajo figta hoose ka galay ayaa waxa uu bilaabay Abaabul iyo inuu u diyaar garoobo Doorashaddii Madaxweynenimo ee ugu dambeysay, taasi oo ay kula tartameen 22-Murashax oo badankooda Labo Dhalasho haysta.
Farmaajo oo Muwaadin Somali-Maraykan ah ayaana si aqlabiyad leh ugu guuleystay Doorashaddii dhacday bishan 8-da, kadib, markii uu Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh tanaasulay Wareeggii 3-aad ee Doorashadaasi.
Haatan, Hankii Siyaasadeed ee xilka Madaxweyne ee uu Farmaajo hiigsanayey ayuu ku guuleystay, balse Farri kama qodno Hawsha u taalla 4-ta sanno ee uu Xilkaasi hayn doono.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Madaxweyne Farmaajo hor yaallaan Fursadaha muhiim ah oo uu ku samayn karo Isbedel dhinacyadda Ballaarinta Maamulka, Dib-u-heshiisiinta, La-dagaalanka Musuqa, Awood-qeybsiga, Dowlad-wanaagga, Amniga iyo Adeegyadda Bulsho iyo Xoojinta Diplomaasiyadda Calaamka, gaar ahaan Dowladaha jaarka la ah Somalia.
Inkastoo Ra’isul-wasaaraha la soo doorto uu asteyn doona Qorshaha 100-ka maalmood ee Xukuumadiisa, ayaa waxaa haddana muuqata inaysan Madaxweynaha la’aantiisa la dhaqaajin karo Qorshaha, illayn La-tashiga Madaxweynaha iyo Xukuumadda ayaa lagu dhaqaajin kara Qorshe kasta.
Inkastoo uu Madaxweyne uu haysto 90-maalmood inuu ku soo magacaabo Ra’isul-wasaare Cusub, sida ku cad Dastuurka KMG, balse, waxaa ku adkaan doonta Xulashadiisa.
Ku-dhawaad 20-Siyaasi iyo in ka badan ayaana Murashax Ra’iusl-wasaare wada ah, iyadoo uu mid kasta isku arko inay Beeshiisa mudan tahay in la siiyo Xilkaasi
Halbeegga Doorashadda Ra’isul-wasaaraha ayaa waxaa uu xadidayaa Awood-qeybsiga 4.5, iyadoo Murashixiinta ku haybta ah Madaxweynaha iyo Guddoomiyayaasha Labada Gole ee BFS u muuqdaan inaysan u tartami karin Xilka Ra’isul-wasaaraha.
Madaxweyne Farmaajo waxaa kale oo uu haystaa Fursad uu ku soo jiiddan karo Dowladaha deriska, iyadoo la og yahay inay Xasaasiyad Siyaasadeed ka muuqato qaar ka mid ah Dowladaha Deriska iyo kuwa kale.
Haddii Dowladda Madaxweyne Farmaajo ka faa’ideysanin Fursadaha Diplomaasiyadeed waxay horseedi kartaa inay Mowjado kale ku soo faruurmaan, sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka taaxliiliya Arrimaha Siyaasadda.
Qoddobka kale ee Fursadda Dahabiga u noqon karta Dowladda Madaxweyne Farmaajo ah haddii uu Dib-u-heshiisiin sal-ballaaran u qabanqaabiyo Siyaasiyiinta Kala Aragtida ah iyo weliba Tebashadda u dhexeysa qaar ka mid ah Beelaha kala irdhoobay.
Sidoo kale, haddii uu ka dhabeeyo Ballan-qaadkiisa Ciiddanka waxay u noqon kartaa Guul, balse haddii ay gaasir ka noqdaan waxay xaalladu noqon kartaa Fashil iyo Dhedo Roob noqon weyday.
Khubarada Ciiddanka ayaa rumeysan in loo baahan yahay in Dib-u-habayn lagu sameeyo Ciiddanka, lagana dhigo kuwo mideysan , tayo leh, u dhega-nugul Sharciga iyo Kala-dambaynta.
Dowlad kastana waxa lafdhabar u ah Ciiddan Tababaran oo Anshax leh, kuwaasi oo fududeyn kara xal-u-helista marnaanshaha dhinaca Amniga, sida tan haatan dalkeenna ka sii muuqoto..
Markaynu docda kale ka eegno Caqabaha Dowladda Madaxweyne Farmaajo hor-yaalla waxaa lagu qiimeeyn karaa Caqabado xilli-keen ah iyo kuwo muddo dheer jiitami kara.
Mooshinka BFS ayaa qeyb ka ah Caqabadda Xilli-keenka ee Madaxweyne kasta saamaynta ku yeelata, iyadoo Xildhibaanadda ku jiraan Mudanayaal xariif ku ah Mooshin Abuurka, sida waayo-joogga loogu soo ahaa siyaasad-gariirkii gilgilay Dowladihii hore.
Waana hubaal inaysan Siyaasadda saaxiib joogto ah lahayn, waana caqabad uu Mas’uul kasta ka filan karo Hareerihiisa goor kasta.
Dowladda Farmaajo caqabaddaha laf-dhuun gashay ku nqoon karta ayaa ah Qaddiyaddaha Somaliland iyo Muranka Xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya iyo Deganaanshaha Siyaasadda ee Dowladaha Gobalka.
Qaddiyadda Somaliland ayaa waxaa iska yar fursadaha lagu xalin karo, iyadoo ay Siyaasiyiinta Maamulka Somaliland ku adkeystaan Gooni-isku-taagooda soo taxnayd sannadkii 1991-kii, inkastoo aysan 26-sanno helin Ictiraaf Calaami ah.
Dowladda cusub waxaa kaloo laga filayaa inaysan ka indho xirnaanin Ambaqaadka Dacwadda hor taalla Maxkamadda ICJ ee ku aadan muranka Xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso milkiyadeeda iyo inay Dowladda aad uga dhiidhiyaan Derbiga Kenya ka dhisayaan Xuduudka.
Arrinta Deganaanshaha Siyaasadda ee dowladaha deriska waxay tahay Xaallad muhiim ah, iyadoo maanka lagu hayo inaysan Somalia xamili karin Deganaansho La’aan Siyaasadeed ee gudaha iyo dalalka deriska.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Madaxweyne Farmaajo ma ka faa’ideysan doonaa Fursadaha hor yaalla, mana ka badbaadi doonaa caqabadaha ka hor imaan kara Maamulkiisa?
©Radio Dalsan