Al-Shabaab oo sheegay inay 19 Askari ku dileen Dagaalkii Shabeelaha Hoose

War qoraal ah oo ay Al-shabaab soo dhigeen Barta ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay guulo kaga sheegteen dagaal ay ciiddamada dowlada kula galeen deegaano hoosyimaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa sheegatay in dagaalkaasi ay ku dileen 19 askari oo ay ku jiraan saraakiil ciiddan sida ay hadalka udhigeeni islamarakaana waxyeelo ay ugeesteen Ciiddadamada dowlada ee shabeelaha Hoose kadib werar ay ku qaadeen xarun ciidamada dowladu ay ku leeyiin Degaanka Tixsiile ee Gobolkaasi.

Waxaa ay shabaab intaasi ku dareen inay mudo gacanta ku hayeeen degaanka oo ay markii danbe isaga bexeen iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo udhaxeeya ciiddamada dowlada iyo kuwa Shabaab.

Inkastoo labada dhinac ay guulo ka sheganayaan dagaalkaasi hadana majiro war madax banaan oo hubinaya sheegada qasaaraha labada dhan oo ku aadan waxyeelada rasmiga ee ka dhalatay Dagaalkaas.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media