• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 10, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

FAALLO:- Maxaa Odayaasha Dhaqanke ee Reer Hiiraan ka hortaagan Shirka Maamul-u-samaynta Sh/dhexe iyo Hiiraan ?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 23, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxda Dowladda Federalka waxay xarig-jiid adag ugu jiraan sidii ay Odayaasha Dhaqanka ee Hiiraan loogu qancin lahaa inay ku biiraan qorshaha Maamul-gobaleedka loogu samaynayo Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dhowr bilood oo dadaal iyo xusul-duub Siyaasadeed loo galay sidii loo qancin lahaa Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hiiraan waxay xaajaddu u muuqataa inaysan weli farri ka qodnayn.

Madaxweynaha Dowladda Federalka waxa uu dhowr jeer isaga daba laabtay magaalladda Beled-weyne, laakiin, Odayaasha ayaa u muuqda inay weli saluug qabaan, isla markaana yihiin kuwo ay lugta u laaban tahay.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka Hiiraan ee xubnaha ka ah Labada Gole ayaan isku aragti ka ahayn Qancinta Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan, waxaana Siyaasiyiinta ka dhex jira Loolan Hoose  iyo Isbaaro Siyaasadeed.

Siyaasiyiin badan ayey  niyadsami ka tahay Qabsoomidda Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe, balse, waxaa jira kuwo u ololeynaya in la qaadaco Shirkaasi iyo in la dhiso  Maamul-gobaleed Rimay-gacmeed ah si ay uga dhigtaan Maamul ay ku gorgortami karaan.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan Siyaasiyiin rajo ka qabin inay mar kale ka soo muuqdaan Dowladda cusub ee la dooran doono dabayaaqadda sannadkan, kuwaasi oo taasi beddelkeedana ka go’an tahay  inay Odayaasha Dhaqanka ku tashkiiliyaan go’aan ay ku qaadacaan Madasha Shirka Jowhar.

Waxaa kaloo la sheegaa in Towfiiq la’aan ka dhex jirto Odayaasha Dhaqanka Beelaha wada degga Gobalka Hiiraan, kuwaasi oo isku fahmi la’ qaabka loo qeybsanayo Awoodda Maamulka cusub ee la dhisayo, waxaana uu guux xooggan ka imaanayaa Beelaha looga tirada badan yahay iyo kuwa aan hubeysnayn.

Khilaafka noocaasi aayaa lagu tilmaami karaa mid sii ragaadin kara Dhismaha Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo horey mabda’ ahaan loo saxiixay, loona oggolaaday dedejinta Maamulkaasi.

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid ayaa maalintii labaad ku sugan magaallo-madaxda Gobalka Hiiraan ee Beled-weyne, wuxuuna kulamo la leeyahay  Odayaasha Dhqanka Hiiraan ee ka biyo-diidsan dhismaha Maamul-gobaleedkaasi.

Ra’isul-wasaaraha oo ah Siyaasi Waayo-arag ah waxa uu ku guuleysan karaa dadaalkiisa, haddii ay Siyaasiyiinta Gobalka ku taageerayaan dadaalkiisa, balse, haddii ay Siyaasiyiinta, gaar ahaan Xildhibaanadda Reer Hiiraan dhabarka u jeediyaan dadaalkiisa waxay xaalladu noqon doono mid dhicis noqoto.

Ra’isul-wasaaraha waxa laga rajeynayaa inuu Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan la yeesho Kulamo Gaar-gaar iyo mid Guud, si uu wax badan uga ogaado halka ay iinta ka jirto iyo inuu kala furfuro Shaqsiyaadka mucaaradsan Shirka Jowhar.

Odayaasha waxay ku adkeysanayaan in ay Xukuumadda u madax bannaaneyso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha, si ay iyaga u qabsadaan Shirka Maamul-gobaleedka SH/dhexe iyo Hiiraan.

Odayaal kale ayaa ku doodaya in Gobalka Hiiraan loo qeybiyo Labo Gobal, si ay u dhistaan Maamul-gobaleed, taasi oo ay Xukuumadda u aragto  mid aan Mustaxiil ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, mar haddii Odayaasha Reer Hiiraan lagu tijaabiyey dadaal kasta, bal markan ha la isku hawlo sidii loo fahmi lahaa Hankoodau  horseedi kara inay ku biiraan Shirka Maamul-u-samaynta ee ay gogosheedu u fidsan tahay magaalladda Jowhar.

©Radio Dalsan

 

Previous Post

(SAWIRO): Saxafi Somaaliyeed oo ka mid noqday dadka ku guuleystay Abaalmarinta Hay’adda St. Paul’s Bush Foundation.

Next Post

Kenya oo lagu xiray Nin Somali oo lagu eedeynayo inuu ku tacadiyey gabdho yaryar.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo
Caalamka

Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo

May 8, 2025
DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland
Warar

DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland

May 8, 2025
“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”
Warar

“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”

May 7, 2025
“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid
Warar

“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid

May 7, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah
Warar

Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah

May 7, 2025
Next Post

Kenya oo lagu xiray Nin Somali oo lagu eedeynayo inuu ku tacadiyey gabdho yaryar.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

by Ilhaan
May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa...

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

by Liban
May 8, 2025
0

The Federal Government of Somalia (FGS) has unveiled a contentious plan to establish a new autonomous administration in Jubbaland, in...

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

The National Consultative Council (NCC) released an official communiqué on Wednesday evening following the conclusion of its recent summit held...

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has strongly criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of sabotaging the National Consultative...

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
English News

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
English News

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum
English News

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership
English News

Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation
English News

Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
  • Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
  • National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
  • Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00