Gelinka dambe ee maanta oo Isniin ah, waxaa mar kale Maxkamadda la soo taagi doonaan Anthony John Sawina, kaasi oo loo haysto inuu toogasho ku dhaawacay 2 nin oo Soomaali ah.
Eedeysanaha Waxa uu bishii June 29-da ku beegnayd dabayaaqadii bishii barakaysnayd ee Ramadaan rasaas ku furay gaari ay la socdeen 5 Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku labisnaa Dharka Dhaqanka u ah Muslimiinta.
Toogashadaasi waxaa ku dhaawacantay 2 ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee la socotay gaariga,kuwaasi oo la sheegay inay xabbadokaga dhaceen Lugaha.
Dhinaca kale, Hadal ka soo baxay Boliska Gobalka Minnesota ayaa lagu sheegay in Eedeysanaha la rumeysan yahay inuu geystay Fal Toogasho ku salaysan Cunsuriyad iyo Muslim Nacayb.
Eedeysanaha oo 26 jir ayaa lagu soo oogay dhowr Fal-dembiyeed, oo ay ku jirto inuu haystay hub khatar ah, inuu ku dhawaaqay Hadalo Isir-nacayb ah iyo Weerar Heerka Labaad ah.
©Radio Dalsan