• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 20, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

FAALLO:  Maxaa ka soo bixi kara Gar-qaadista Maxkamadda ICJ ee Muranka Xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya ?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
September 19, 2016
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Sida uu Jadwalku ahaa  Maxkamadda Garsoorka ee Caalamka (The International Court of Justice (ICJ) oo ku taalla magaalladda Hague ee dalka Holland, waxaa maanta oo ay bisha September tahay 10-da ka furmay Fadhigii ugu horreeyey ee Dacwadda Dowladaha Somalia iyo Kenya ee  Lahaanshaha Xuduud-baddeedkaasi qaniga ku ah Shidaalka iyo Kheyraadka kale ee Dabiiciga.

Fadhiga maanta, waxay Ergadda Kenya looga dhegeystay Aragtida Dowladda Kenya ee Lahaanshaha Xuduud-baddeedka iyo Sifaha Sharciga ee ay ku difaacayaan Sheegashadooda.

Fadhiga Maxkamadda ICJ oo si Toos ah looga daawanayo Caalamka ayaa  waxay bilow u tahay Garnaqsiga Somalia iyo Kenya ee Lahaanshaha Badda lagu murunsan yahay.

Xeer-beegtida Maxkamadda Caalamiga ee ICJ, ayaa la filayaa inay berrito Ergadda Somalia ka dhegeystaan Milkiyadda Badda lagu murunsan yahay iyo Caddaymaha Naqshadaha Juqraafi ahaan xaqjiinayo inay Somalia leedahay Xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso inuu ka mid yahay Xuduudkeeda.

Dowladda Somalia waxay Maxkamadda ICJ u gudbisay bishii August 28-dii ee sannadkii 2014-kii dacwad ka dhan ah Kenya iyo in dib loo calaamadeeyo Xuduud-baddeedka Saddex Geesoodka ah, iyadoo Calaamadaynta la waafajinayo Xuduudka Berriga ee ay labada Waddan wadaagaan.

Somalia waxay Lahaanshaha Xuduud-baddeedkaasi u cuskatay Qoddobadda 15, 74 iyo 83 ee Heshiiska QM ee Sharciga Baddaha oo la soo saaray sannadkii 1982-kii oo ay Dowladaha Somalia iyo Kenya wada saxiixeen sannadkii 1989-kii.

Xiisadda Muran-baddeedka Somalia iyo Kenya ayaa soo bilowday bishii July ee sannadkii 2014-kii, kadib, markii uu Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka, C/raxmaan Ducaale Bayleh ka hadlay muranka Xuduud-baddeedkaasi oo masaafadiisu dhan tahay 100,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Waxaa la rumeysan yahay in ay Kaydad badan oo Kalluun, Shidaal iyo Kheyraad kale dhex ceegaagaan Xuduud-baddeedkaasi, iyadoo Dowladda Kenya bilowday inay Shirkaddo shisheeye ka hawl-galaan xuduud-baddeedka lagu muran yahay.

Dowladda Somalia ayaa doonaysa in dib loo calaamadeeyo Xuduudka badda ee Kenya kala wadaagaan Badweynta Hindiya, iyadoo lagu salaynayo Xuduudka Berriga ee ay Labada Waddan wadaagaan.

Balse, Dowladda Kenya ayaa ka biyo diidsan in Xuduud-baddeedka lagu saleeyo Jihada uu ka soo bilaabanayo Xuduudka Berriga ee ay labada dal wadaagaan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale caddeeyey Mowqifka ay ka taagan yihiin Arrinta Xuduud-baddeedka.

Madaxweynaha oo Muuqaal Cod leh soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu sheegay inaysan marnaba oggolaan doonin inay Kenya qaadato  mitir ka mid ah Badda Soomaaliyeed.

Dowladda Federalka ayaa horey u sheegtay inay ka go’an tahay Tallaabo kasta oo lagu difaacayo Milkiyadda Xuduud-baddeedkaasi saddex-geesoodka ah, kuna fadhiya masaafo dhan 100,000 oo KM oo isku wareeg ah.

©Radio Dalsan

 

 

Previous Post

Dagaalamayaasha Alshabaab oo jidka u galay Askar Ethiopian ku sii jeeday Ceel-buur.

Next Post

Qareen Kariim Khaan: “Ra’isul-wasaaraha xilligan ee Somalia ha ka laabto Heshiiska Is-fahamka Badda ee uu horey u saxiixay”.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO
Warar

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

May 18, 2025
Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

May 18, 2025
Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

May 18, 2025
Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo
Warar

Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo

May 18, 2025
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
Warar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

May 17, 2025
Next Post

Qareen Kariim Khaan: “Ra’isul-wasaaraha xilligan ee Somalia ha ka laabto Heshiiska Is-fahamka Badda ee uu horey u saxiixay”.

Director of Religious Affairs in Hirshabelle Killed in Jowhar

Director of Religious Affairs in Hirshabelle Killed in Jowhar

by Liban
May 20, 2025
0

Dr. Mohamed Abdi Ali (Dr. Gaalib), the Director of the Department of Religious Affairs at the Ministry of Endowments and...

Netanyahu: Aid Allowed Into Gaza Due to U.S. Pressure, Not Change of Policy

Netanyahu: Aid Allowed Into Gaza Due to U.S. Pressure, Not Change of Policy

by Liban
May 20, 2025
0

In a rare move following nearly three months of total blockade, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has announced that Israel...

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

by Ilhaan
May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya,...

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

by Liban
May 19, 2025
0

Mogadishu, Somalia – A highly sensitive and potentially divisive legal debate unfolded today in Somalia’s Federal Parliament as members of...

Director of Religious Affairs in Hirshabelle Killed in Jowhar
English News

Director of Religious Affairs in Hirshabelle Killed in Jowhar

May 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Netanyahu: Aid Allowed Into Gaza Due to U.S. Pressure, Not Change of Policy
English News

Netanyahu: Aid Allowed Into Gaza Due to U.S. Pressure, Not Change of Policy

May 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
Wararka Idaacadda

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament
English News

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt
English News

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations
English News

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Director of Religious Affairs in Hirshabelle Killed in Jowhar
  • Netanyahu: Aid Allowed Into Gaza Due to U.S. Pressure, Not Change of Policy
  • RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
  • Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00