Wararka naga soo gaarayo Bartamaha Somalia ayaa sheegayo inay Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Alshabaab weerareen Kolonyo Gaadiid ay la socdeen Askar Ethiopian ah geeddi u sii ahaa Degmadda Ceel-buur ee Gobalka Galgaduud.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Alshbaab tacshiirad huwiyeen Askartaasi oo maraysay Tuulladda Dab-Ugaas oo u dhexeysa Degmadda Wabxo iyo Ceel-buur ee Gobalka Gal-gaduud.
Dagaalamayaasha Alshabaab waxay iska horimaad culus la galeen Ciiddankaasi, oo la soo sheegay inuu khasaaro xooggan soo gaaray Askarta Ethiopianka ee jidka loo galay, kuwaasi oo gelinkii dambe ee shalay ka soo socdaalay Degaanka Maxaas ee Gobalka Hiiraan.
Dagaalka Xarakadda Alshabaab iyo Askarta Ethiopianka ayaa la sheegay inuu socday in ka badan 30-daqiiqo, iyadoo Askarta Ethiopianka lagu go’doomiyey Tuulladda Dab-Ugaas.
Wararku waxay sheegayaan in Ciiddamo Gurmad ah soo gaareen Ciiddankii Ethiopianka ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab dabka ku saareen Tuulladda Dab-Ugaas.
Dhinaca kale, Saraakiisha Dowladda ee Ceel-buur ayaa qiray inay Dagaalamayaasha Alshabaab jidka u galeen Askarta Ethiopianka, balse wey ka gaabsadeen inay xaqiijiyaan inta uu la eg yahay Khasaaraha soo gaaray Ciiddanka Ethiopianka.
©Radio Dalsan