• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, June 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FAALLO): Faragelinta Kenya ee A/Gudaha ee Somalia oo sii ololin karta Xiisadda Diplomaasiyadeed ee labada Waddan

Bilan Media by Bilan Media
July 2, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 5 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dowladda Kenya waxay culayskii ugu xoogganaa saartay sidii ay u fashilin lahaayeen dacwadda ay Somalia u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee ICJ, kuna aadan Sheegashadda Kenya ee qeyb badan oo ka tirsan Badda Somalia ee ku teedsan Badweynta Hindiya.

Diplomaasiyiinta iyo Madaxda dalkaasi waxay isku Aragti ka yihiin Caddowtooyadda muuqata ee ay ku colaadinayaan dalka Somalia ee ay deris-wadaagga yihiin, waxayna u xusul-duubayaan inay ugu yaraan fashiliyaan Dacwaddaaasi iyo inay kala dhantaalaan Midnimadda dalkeenna.

Xeeldheerayaasha waxay rumeysan yihiin inay Dowladda Kenya ku dhaqmayso Siyaasad marin habaabsan, taasi oo laga dheehan karo hadba Eedeyn Siyaasadeedka dhiciska ah ee ay soo hal-abuuraan iyo sida ay uga biyo-diidsan yihiin inay garwaaqsadaan Xadgudubyadda ay ku raad-joogaan.

Cadad ma laha inta  jeer ee ay Dowlado iyo Shirakado Caalami ah ku eedeeyaan inay Somalia la barbar taagan yihiin dacwadda Xuduud-baddeedka ee ay Maxkamadda Caalamiga ee Garoorka ee ICJ go’aan ka gaari doonto.

Waxaana markhaati ma-doonta inay Dowladda Kenya u xusul-duubayso inay Ra’yul-caalamka ku marin habaabiyaan Xaqiiqda Dhabka ee Kiiskaasi, iyagoo sheegashadooda ku salaynaya Khariid ama Maab la been abuuray oo aan ka turjumaynin xaqiiqda rasmiga ee Sohdinta Bad iyo Berri ee u dhexeysa labada waddan.

Dowladda  Somalia waxay ku taagan tahay in  calaamadda xuduudka Badda ku sar go’an tahay xuduudka Berriga, halka ay Dowladda Kenya doonayso inay kala duwanaadaan calaamadaynta asaasiga ee Xuduudka Berriga iyo Badda ee labada Waddan.

Marka la eego Khariidada ay ku dooayaan waxaa laga dheehan karaa inay Xuduud-baddeedkooda yahay mid aan la aqbali Karin, maadaama ay doonayaan in xuduud-baddeedkooda ka soo bilowdo gudaha xuduud-baddeedka rasmiga ee Somalia, si ay u sheegtaan milkiyadda 100,000 oo KM oo isku wareeg ah oo ka mid ah Badda Somalia.

Dowladda Kenya waxaa ka muuqda Kalsooni-darro iyo been abuur xadkiisa dhaafay waxayna bilowday Hanjabaadyo iyo Faragelin muuqata oo ay ku sameeyaan Arrimaha Gudaha iyo Danaha Somalia.

Dhacdooyinka  Faragelinta Siyaasadeed ee Dowladda Kenya waxaa la dheehan karaa inay la soo baxeen Siyaasad ay Isbahaysi kula noqonayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Maamul-gobaleedka khilaafsan Dowladda Federalka, si  cadaadis doc kasta leh loogu abuuro DFS.

Tusaalaha ugu nugul ee ka markhaati kacaya Siyaasadda Kenya waxa  loo soo qaadan karaa silsiladaha faragelinta ee ay ku doonayaan inay  xaallad Calawsanaan uga abuuraan Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Ficilka ay Dowladda Kenya ku sheegtay inay dal madax-bannaan ugu aqoonsan doonaan Maamulka Somaliland ee gacanta ku haya Goballadda W/Galbeed ee dalka Somalia.

Xoghayaha Joogtadda ee Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Kamau Macharia ayaana loo arkaa Wasiirka Dadban ee Wasaaraddaasi, maadaama uu isagu go’aaminayo hadba Aragtida uu ku sii ololinayo Khilaafka Taagan.

Waxa uu si ay khibrad-xumo Diplomaasiyadeed ka muuqato ugu il-duufay inuu bartiisa Twitterka ku go’aamiyo Argatida Dowladda Kenya ku doonayso inay Maamulka Somaliland ugu aqoonsadaan waxa uu ugu yeeray Dowlad madax bannaan.

Diplomaasigaasi oo ka mid ah Siyaasiyiinta had iyo jeer sii huriya Xiisadda u dhexeysa Somalia iyo Kenya waxa uu bishii hore ee June 27-dii bartiisa Twitterka soo dhigay isagoo gacan qaadaya Wasiir ka socday Maamulka Somaliland iyo inay ka wada hadleen  xiriirka labada dhinac, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qoraalkaasi waxa uu xadgudub bareer ah ku yahay  Qaanuunka Caalamiga iyo Is-xushmeynta dalalka deriska, sida lagu sheegay Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia.

Tallaabadda ay Wasaaradda ugu yeertay Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Ambassador Lucas Tumb.

Looguna dhiibay Qoraalka Ashtakadda ee ka dhanka ah Dowladda Kenya waxa uu ahaa Go’aan Diplomaasiyadeed oo sax ah, kaasi oo fal-celin u ahaa qoraalkii uu Twitterkiisa ku soo qoray Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, Kamau Macharia.

Qoraalka waxaa si Lahjad Diplomaasiyadeed oo diiran loogu sheegay inay Tallaabadda Dowladda Kenya xadgudub ku tahay Madax-bannaanida, Midnimadda iyo Xuduud-dhuleed ee Somalia, isla markaana uu dhaawac xooggan u geysan karo Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya weli kama aysan hadlin qoraalkii Ashtakada ee ka dhanka ahaa Faragelinta Kenya ee  Arrimaha Daakhiliga ee Somalia.

Marka doc kasta laga eego culaysyadda xadgudubyadda Dowladda Kenya ku hayso Somalia waxay Kenya rumeysan tahay inay Somalia xilligan itaal u haynin Colaad Hubeysan, inkastoo qiimeyntaasi tahay mid khiyaali ah oo aan ka turjumaynin Awoodda iyo Khibradda dadka Soomaaliyeed  u leeyihiin Dagaalka.

Previous Post

Sawirro:-Sida Ra’iisul Wasaare Kheyre loogu soo dhaweeyay Gurigeel

Next Post

Madaxweynayaasha Uganda iyo Sierra Leone oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 11, 2025
Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo
Warar

Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo

June 11, 2025
Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

June 11, 2025
Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah
Warar

Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah

June 11, 2025
Next Post

Madaxweynayaasha Uganda iyo Sierra Leone oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM

Israel Launches Major Airstrikes on Key Iranian Military and Nuclear Sites Amid Rising Tensions

Israel Launches Major Airstrikes on Key Iranian Military and Nuclear Sites Amid Rising Tensions

by Gesey Liban
June 13, 2025
0

In a dramatic escalation of Middle East tensions, Israel has carried out a wave of airstrikes targeting key Iranian military...

Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey

Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey

by Gesey Liban
June 12, 2025
0

The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud, today paid an official visit to the...

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

by Gesey Liban
June 12, 2025
0

Changsha, China—At the margins of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) ministerial meeting held in Changsha, Hunan Province, China, Somalia...

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

by Gesey Liban
June 12, 2025
0

Mogadishu, Somalia — In a bold diplomatic move, the Federal Government of Somalia has formally demanded the dismantling of the...

Israel Launches Major Airstrikes on Key Iranian Military and Nuclear Sites Amid Rising Tensions
English News

Israel Launches Major Airstrikes on Key Iranian Military and Nuclear Sites Amid Rising Tensions

June 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey
English News

Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China
English News

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group
English News

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Israel Launches Major Airstrikes on Key Iranian Military and Nuclear Sites Amid Rising Tensions
  • Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey
  • Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China
  • Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00