Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni iyo dhigiisa dalka Sierra Leone, Juliyus Maada Bio waxay Kulan ku yeesheen Aqalka Mdaaxtooyadda ee magaalladda Entebbe ee dalka Uganda.
Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Dal, Ololaha Uganda ee looga hortegayo Cuddurka Ebola, Deganaanshaha dalka Sierra Leone, Xaalladda dalalka Somalia iyo Sudan iyo Hawlgalka AMISOM.
War-murtiyeed laga soo saaray Kulanka Labada Madaxweyne waxay Beesha Caalamka ugu baaqeen inay taageeraan dadaalka Hawlgalka AMISOM ee lagu saacidayo DFS.
Labada Hoggaamiye waxay kaloo sheegeen inay ka go’an tahay inay sii wadaan Taageeradda ay sida dhow ula shaqeeyaan Ururka Midowga Afrika (AU)-da, QM iyo Urur-gobaleedyadda, si nabad loogu soo dabaalo dalalka Somalia iyo South Sudan.
Dhinaca kale, Labada Hoggaamiye waxay isku raaceen Iskaashiga Guud ee Jadwalka shaqo ee Heshiisyadda iyo La-tashiga Siyaasadeed Heshiisyadda ay labada waddan gaaraan.
Madaxweynaha dalka Sierra Leone, Julius Maada Bio oo 55-jir ah waxa uu shalay booqasho 3 maalmood ah ku tegay dalka Uganda, waana booqasahadii ugu horreysay ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo markii Xilka Madaxweynaha loo doortay bishii May ee sannadkii hore ee 2018-ka.